WorldRemitAds

Dubai, UAE, September 18, 2017 (Saxafi) – Weftigii Golaha wasiirada Somaliland ka tirsanaa ee booqashada ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kullan muhiima la yeeshay saraakiisha ugu sarsareysa shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekadda Berbera.

Kullanka oo ay dhanka Jamhuuriyadda Somaliland uga qayb baleen wasiirada Arimaha dibadda Dr. Sacad cali Shire, Wasiirka Maalliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Qorsheynta Maxamed Aadan Qabo, Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka UAE Amb. Baashe Cawil Cumar, ayaa waxay la kullmeen  gudoomiyaha Shirkada DP World Suldaan Bin Zubeyr iyo Maareeyaha Guud shirkadaasi Suheyl Bin Al-Bani. Kullankan ayaa labada dhinaca kaga wada hadleen mashruuca balaadhinta dekedda Berbera, Free Zone-ka ay, Mashaariicii samofal iyo horumarin isugu jira oo DP World ka samayn doonto Somaliland.

Shirka labada dhinac ku dhexmaray Xarunta Guud Shirkada DP World ee magaalada Dubai ayaa waxa ay ballanqaadeen masuuliyiinta shirkadaasi inay si dhakhso ah u bilaabi doonaan mashruuca balaadhinta iyo casriyeynta dekadda Berbera, iyagoo tababaro dheeraadana siin doona shaqaalaha dekedda Berbera ka hawlgala. Kullankan ayaa guud ahaanba wuxuu ku dhamaaday guul waxaana la filayaa in weftiga Somaliland maalmaha soo socda ku soo laaban doonaan dalka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.