WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, November 3, 2018 (Saxafi) – Guddiga joogtada ah ee Gollaha Aqalka sare ee Somalia aytaa qaabilay wefti IGAD ah uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha dalka Somalia Maxamed Cali Guyo.

Illo ku dhow kulanka ayaa u sheegay warbaahinta dhinacyadda ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkaas, gaar ahaan khilaafka maamulada iyo dowlada dhexe ee Farmaajo. Sidoo kale waxaa warku sheegay in lagu xussay dagaal hore deegaanka Tukaraq ugu dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku sugan iyo kuwo ka socday dhinaca Garowe ee maamul Goboleedka Puntland ee Somalia.

SomlegalAds

Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, oo kulanka kadib uwaramay war-fidiyeenka ayaa sheegay in dhinacyadda ay isla meel-dhigeen wax uu ugu yeedhay dhamaan qodobadii miiska u saarnaa.

Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in Ergayga IGAD uu bogaadiyay kaalinta uu Aqalka sare ee Soomaalia ka ciyaarayo xalinta khilaafka dowlada goboleedyada iyo dowlada Federaalka ee Farmaajo, isaga oo ku dhiirogeliyay inay sii wadaan.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dhinacyadda ay isla garteen muhiimada ay leedahay inay ka shaqeeyaan oo raadiyaan sidii xal loogu heli lahaa colaada daxaleystay ee ka aloolsan tuulada Tukaraq ee Somaliland iyo Somalia.

Tukaraq oo ah deegaan ku yaala soohdinta Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Somalia waxaa dagaal kula wareegay ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, iyaddoo weeraro dhowr ah oo ay isku dayeen Farmaajo iyo Cabdiweli Gaas oo isgarabsanayaa ay ku fashilmeen inay soo gaadhaan halkaas, iyaddoo xukuumadda Somaliland balan qaaday haddii dagaalku sii socdo inay dhamaan soo xidhi doonto xuduudka Somaliland oo dhaca Duleedka Garoowe. Waxaana hore Somaliland iyo Somalia isaga dabqaaday wufuud kan urur-goboleedka IGAD ku jiro, iyaddoo heshiisyo la gaadhay oo xabad joojin ahaa uu ka jabay dhinaca Somalia.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.