WorldRemitAds

Buuhoodle, Somaliland, June 30, 2018 (Saxafi) – Xilli aanay saaloonayn Siyaasadda Gobolka Buuhoodle, isla markaana xiisad colaadeed oo u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia ka aloosan tahay Gobolka Sool, ayaa wefti ka socda Dawladda Somalia waxay Magaalada Buuhoodle ka wadaan wacyi-gelin dadka lagu abaabulayo inay wax qabsadaan oo horumarka ka shaqeeyaan, waxaanay xubnaha weftigu kulamo la yeesheen aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Haldoorka kale ee deegaanka oo ay u bidhaamiyeen waxqabad dawladda Muqdisho ka fulinayso halkaas inay garab istaagaan.

Arrintan oo marka dhinaca togan laga eeggo wanaagsan, ayaa haddana xilliga ay ku soo aaday muujinaysaa inay abuuri karto xaalad Bulshada iyo siyaasaddaha hirdamaya iska horkeenaysa.

SomlegalAds

Bishii la soo dhaafay Buuhoodle waxa isaga dambeeyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) iyo Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo midiba midka kale aragti siyaasaddeed kaga soo dhaweystay Buuhoodle, si weyn ayaana labadoodaba loogu soo dhaweeyey.

Imaanshiyaha weftiga Muqdisho ka yimi oo aan meeqaam siyaasaddeed oo weyn lagu eegi Karin, ayaa kulamada ay qabteen uu maskax ahaan iyo dareen ahaanba u saameeyey Bulshada, waxaana munaasibadaha qaar lagu soo hadal qaaday qorshe ay dawladda Federaalku ilaa Sool ku gaadhsiinayso mashaariic iyo hindiseyaal lagu fulinayo magaca Dawladaas.

Taasina waa arrin Irbad sumaysan oo dadka lagu mudayo ku ah Somaliland, marka loo eeggo waaqica iyo wacyiga lagu jiro ee Siyaasaddeed.

Buuhoodle waa magaalo aad uga dhaqan iyo dabeecad duwan Gobolada kale ee Sool iyo Sanaag, iyadoo maamul ahaana ay u qaybsan tahay Itoobiya iyo Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.