WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 23, 2015 (Saxafi) – Wefyi uu horkacayo Wasiirka Caddaaladda Axmed Faarax Cadarre, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali iyo xeer ilaaliyaha Guud Xasan Axmed Aadan ayaa shalay soo gebogebeeyay booqasho hawleed oo ay laba maalmood ku joogeen Boorama.

Weftiga iyo hay’adaha garsoorka dalka ugu sarreeya ayaa intii ay joogeen Boorama soo eegay xabsiga dhexe ee Boorama, isla markaana warbixino ka dhegeystay masduulyiinta maxkamadaha gobolka iyo degmada Boorama, xeer ilaaliyayaasha garsoorayaasha, iyadoo dhinaca kalena wafdigu cabashooyin ku saabsan nidaamka garsoorka ka dhegeystay qaybo ka mid ah dadweynaha.

wefti cadaaladda iyo MaxkamaddaWasiirka, xeer ilaaliyaha Guud iyo guddoomiyaha maxkamadda sare oo ka hadlay kulamadaasi ayaa qaybaha dadweynaha iyo dawladda ee ay la kulmeen ku wargeliyay inay wadaan is beddel ku saabsan nidaamka garsoorka dalka si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo sharciga sidaa darteedna waxaa ay u jeediyeen inay qayb ka qaataan isbeddelkaasi iyo in la dedejiyo dacwadaha loo haysto eedeysanayaasha.

SomlegalAds

Weftiga ayaa shalay soo eegay xaaladda xabsiga dhexe ee Boorama iyo maxaabiista ku jirta. Dhinaca kale, wafdiga oo shalay maxkamadda gobolka Awdal ee Boorama kula shiray  qaar ka mid ah odaydhaqameedyada gobolka ayaa waxay odaydhaqameedyadaa qaarkood u sheegeen wafdiga cabshooyin ku saabsan xagga fulinta go’aamada maxkamadaha iyo amniga. Suldaan Abshir Maxamed Ducaale, oo ka mid ahaa odaydhaqameedyadda wafdiga la kulmay ayaa u sheegay in magaalada Cali Xaydh oo ka mid ah magaalooyinka gobolka Awdal oo gacan ka hadal dhex maray qaar ka mid ah qoysaskii deggenaa markii loo waayey ciidan iyo xabsi in eedeysanayaashii ka qayb qaatay gacab ka hadalkaasi geedo lagu xidh-xidhay si loo sugo amniga, sidaa darteedna loo baahanyahay in dadkaasi loo sameeyo saldhig Boolis ama xabsi si loo sugo amnigooda. Weftigaas ayaa shalay dib ugu soo laabtay Hargeysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.