WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 11, 2018 (Saxafi) – Masuuliyiin ka socota urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa inay mar kale isaga dab qaadaan Somaliland iyo Somalia, si xal looga gaadho dagaalka Tukaraq.

Weftigan ayaa la filayaa inay Magaalo madaxda maamul goboleedka Puntland ee Garoowe ku horeeyaan, Islamarkaana ka dalbadaan inay joojiyaan weerarada iyo abaabulka dagaalka.

SomlegalAds

Xogaha la hayaa, waxaa ay tilmaameen in wafdigani Isniinta maanta ah ama ugu danbeyn Bari oo Salaasa ah ay gaadhaan magaalada Garoowe, kuwaas oo u socda sidii xal looga gaadhi lahaa colaada Tukaraq.

Wafdigan waxaa la wariyay inuu ka kooban yahay wadamada ku bahoobey urur goboleedkaa IGAD, waxaana hogaaminaya saraakiil ka tirsan dalka Ethiopia. Xogaha dhinaca Somalia intoodda badan laga helayo ayaa sheegaya in Ethiopia Qaramada Midoobay u xilsaartay inay hoggaamiso daminta xiisaddan.

Qorshaha wadamada hormuudka u ah xalinta khilaafkani ee Igad, ayaan illaa immika cadayn, marka laga reebo baaqyadda hore uga soo yeedhay iyagga iyo Qaramada Midoobay ee ahaa in la joojiyo xabadda oo wada hadal khilaafka lagu dhameeyo. Hase ahaatee, dawladda Somaliland ayaa mawqifkeeda marar kala duwan cadaysay, Islamarkaana tilmaantay in ay doonayso nabad-gelyo inay aagaas ka dhacdo, Islamarkaana ay xataa waqti siinayso inay gaadho xuduudaheeda oo duleedka Garowe ah. Halka dhinaca Kalle maamul goboleedka Somalia ee Puntland doonayo in ugu yaraan ciidamada Somaliland dib looga rarro Tukaraq oo lagu celiyo tuulladda Ganbadha. Iyaddoo taas ay awooddooda ciidan oo dhan isugu geeyeen, balse ay ku adkaatay inay dagaal ku qabsadaan laba jeer oo ay weerar culus soo qaadeena uu ku keenay dhibaato culus.

Socdaalkan ayaa hadii uu rumoobo waxaa uu ku soo beegmay maalmo kooban uun ka dib markii Qoraal golaha ammaanka ka soo saarey colaada gobolka Sool kuwasoo ku baaqey in la joojiyo dagaalka.

Bishii February ee aynu ka soo gudubnay ayaa wefti ka socda Urur Goboleedka IGAD uu booqasho ku yimid sidoo kale Somaliland, iyaggoo arrintan lafteeda u socday waqtigaas, waxaana ay kullamo la yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda Golayaasha Baarlamaanka. Waxaana ay sheegeen xiligaas inay doonayaan in wadahadaladii Somalia iyo Somaliland la sii waddo iyo in la hakiyo collaada Tukaraq. Laakiin, kuma ay guulaysan Isku daygaas hore.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.