WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 11, 2018 (Saxafi) –  Wefti ka socda Wasaaradaha Khaarajiga iyo Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa shalay booqday degmadda Wajaale ee ku taal xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo dalka Ethiopia, halkaas oo ay ka soo ururiyeen xog ku saabsan saameynta qalalaasaha ka taagan ismaamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay aqbalayn in saraakiil ama ciidan dambi ka gaystay ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay ka soo gudbaan xadka.

SomlegalAds

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo ka hadlayey kormeer ay ku tageen magaalada xuduuda ku taala ee Wajaale ayaa sheegay inaanay ilaa hada hayn madax iyo saraakiil ciidan oo ka soo talaabay xadka waxaanu yidhi “Dad saraakiil ah ama madax ah oo aan Somaliland sharci ka haysan oo yimid ma jiraan, wixii maati ah ee dumar iyo caruur ah si gaar ah ayaanu ula dhaqmaynaa, wixii saraakiil ciidan ah ama dambi gaystayna waxa la soconaya laamaha amaanka,”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidanku sugayaan amaanka waxaanu yidhi “Ciidanka Somaliland noocyadiisa kala duwan si wanaagsan ayey uga hawl galaan oo amniga dalka gudihiisuna wuu sugan yahay wax dhib ah oo ilaa hada ka taagan gudaha somaliland ma jirto, laamaha amaanka ee Somaliland-na xaalada si dhaw ayey ula socdaan”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay inay u kuug galayeen inta ay leeg yihiin dadka ka soo talaabaya xadka u dhaxeeya somaliland iyo Itoobiya ee magaalada Wajaale waxaanu yidhi “Waxaanu eegaynay dadka ka soo talaabaya xuduuda iyo inta ay leeg yihiin iyo xaalada badeecadaha u kala gudbaya labada dal iyo guud ahaan mustaqbalka sida ay noqonaysa xidhiidhka Somaliland iyo xuduuda labada dal, arrimahaas ayaanan u kuur galaynay, warbixino waafiyana waanu kala qaadanay.”

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale soo bandhigay ujeedada ay Wajaale u tageen “Waxaanu kormeer gaaban ku tagnay maanta magaalada Wajaale oo ah magaalo xuduudeed aniga iyo wefti ka socda wasaarada arrimaha gudaha, waxaanan kulamo la yeelanay gudoomiyihii degmada, taliyihii laanta socdaalka iyo dhamaan laamaha dawlada ee degmada, ujeedadayadu waxay ahayd kormeer la xidhiidha hawlaha degmada iyo xaalada ka jirta deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maalmihii ugu dambeeyey xaalad amni ka jirtay, waxaanan u kuur galaynay xaaladaha amni, dhaqaale iyo mida isku socod ee degmada, xog badana waanu kala qaadanay.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.