WorldRemitAds

Salaxley, Somaliland, June 18, 2018 (Saxafi) – Masuuliyiin kala duwan oo ka socda Xukuummada Somaliland ayaa shalay gaadhay Degmadda Salaxley oo roob dabaylo wata oo ka da’ay uu sababay khasaare isugu Jira dhimasho iyo burburka hanti kale.

Ilmo yar ayaa ku dhintay duufaantaasi, waxaana ku burburay inta la og yahay in ku dhaw 30 guri.

SomlegalAds

Weftiga Xukuumadda ee xaqiiqo raadinta u tagay degmada Salaxley waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Somaliland, Guddoomiyaha Hay’adda Masiibooyinka iyo Keydka Qaranka Somaliland iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Jaamac Xaaji Axmed, waxaanu yidhi “Marka Duufaanta ka dhacday Magaaladda iyo Khasaaraha ka dhashay la isu eego waa wax ilaahay loogu mahadnaqo, halkan waxa ku dhintay ilmo yar, waanan ka tacsiyadaynaynaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Hargeysa.

Sidoo kale, masuuliyiinta xukuumadda ee halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ay tilmaameen in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in intii itaal ah wax laga qabto khasaaraha dhacay, balse marka hore la hubiyo oo la tarakoobo baaxadda dhibaatadda dhacday. Markaas ka dibna wax laga qaban doono.

 

 

 

Masuuliyiin kala duwan oo ka socda Xukuummada Somaliland ayaa shalay gaadhay Degmadda Salaxley oo roob dabaylo wata oo ka da’ay uu sababay khasaare isugu Jira dhimasho iyo burburka hanti kale.

Ilmo yar ayaa ku dhintay duufaantaasi, waxaana ku burburay inta la og yahay in ku dhaw 30 guri.

Weftiga Xukuumadda ee xaqiiqo raadinta u tagay degmada Salaxley waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Somaliland, Guddoomiyaha Hay’adda Masiibooyinka iyo Keydka Qaranka Somaliland iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Jaamac Xaaji Axmed, waxaanu yidhi “Marka Duufaanta ka dhacday Magaaladda iyo Khasaaraha ka dhashay la isu eego waa wax ilaahay loogu mahadnaqo, halkan waxa ku dhintay ilmo yar, waanan ka tacsiyadaynaynaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Hargeysa.

Sidoo kale, masuuliyiinta xukuumadda ee halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ay tilmaameen in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in intii itaal ah wax laga qabto khasaaraha dhacay, balse marka hore la hubiyo oo la tarakoobo baaxadda dhibaatadda dhacday. Markaas ka dibna wax laga qaban doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.