WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 11, 2016 (Saxafi) – Wefti uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo olole dhiirigelin diiwaangelinta codbixiyeyaasha ah ka bilaabaya gobolka Awdal, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh, weftigan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, xildhibaanno ka tirsan Golaha wakiillada, xubno ka tirsan Golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kaleba ayaa markii ay gaadheen magaalada Boorama waxay dadweynaha kala hadleen fagaaraha Khayriyadda Boorama iyagoo halkaa uga mahad celiyay dadweynihii soo dhaweeyay, una sheegay ujeedada socdaalkooda.
Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaya arrimahaasina waxa u yidhi. “Waxaan u soconaa inaanu idinku dhiiri gelinno sidii aad uga qayb geli lahaydeen diiwaangelinta codbixinta. dhallinta wax baratay waxaan u sheegayaa inay wacyi-geliyaan miyi iyo magaalaba, meel kastana aad tagtaan, una toosisaan dadweynaha si aan cod idiinka khasaarin. Diiwaangelintu Somaliland bay dan u tahay, waxaan reer Awdal u sheegaynaa inay abaaro ka jiraan galbeedka dalka dawladduna way u qaylisay caalamka, waxaanan filayaa in wiigga dambe dawladdu bilaabi doonto gurmadkeeda wixii loo helo dadka beeruhu u bixi waayeen. aadbaad u mahadsantihiin”
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna musharraxa mansabka Madaxweynaha xisbigaas oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Maanta uma soconno olole siyaasadeed, waxaanse u soconaa dhiirrigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha, diiwaangelintuna waa hordhicii ololaha doorashooyinka, waxaanan anigoo ku hadlaya afka xisbiga dadweynaha uga mahdcelinaynaa sidaa noo soo dhaweyseen. Haddaan nahay xisbiga Kumiye, waxaan diyaar u nahay inaan si aan turxaan lahayn u gallo doorashooyinka soo socda, wakhtigeedana la qabto. Qolyaha af Ingiriisiga yaqaanna waxay yidhaahdaan ‘Running Mates’ oo macnihiisu af Soomaali ku yahay “Qindi” Kulmiye waa Qindi wuu meeraranyahay, harqoodkii, minaaqyadii, Irfidii, iyo marashadiiba way ku xidhantahay waa Qindi xaraasha oo aan sanka la jiidaynin. Qindi maaha meesha uu u socdo ka leexda ilaa uu ka gaadho halkii loogu talo-galay. Dadka waxaan ku dardaarayaa inay diiwaan gelinta galaan cidii ay doonayaanna ugu hiiliyaan” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Ka hor, waxa iyaguna munaasabaddan hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleemaan (Ramaax) iyo Duqa magaalada Boorama.
Weftigan u horkacayay Kulmiye ayaa shalay gaadhay, waxaana ka sii horeeyay wefti ka tirsan Golaha wasiiradda oo u horkacayay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdillaahi Ibraahim Habane.
Weftigan ayaa markii ay gaadheen magaalada Boorama, waxaa ay hogaamiye dhaqameedyadda gobolkaas u qabteen dood ku saabsan sidda ugu wanaagsan ee looga qayb-geli karo diiwaangelinta iyo dhibaatooyinka lagala kulmi karro sidii looga gudbi lahaa, marka lagu daro saamaynta abaaruhu ku yeelan karaan diiwaangelinta la filayo inay Sabtida ka bilaabanto guud ahaanba 138 goobood oo ku yaal gobolkaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.