WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 17, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo toddoba wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa la filayaa inay 23-ka bishan safar ugu baxaan magaaladda Dubai ee Isu-Tagga Imaaraatka Carabta.

Warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in weftiga Madaxweyne ku xigeenku ka qayb galayaan shir lagaga hadlayo maalgashiga oo ay ka qayb-galayaan shirkaddo badan oo kala duwan oo qaarkood Somaliland hore maalgelin ugu sameeyeen sida DP World iyo Genel Energy, waxaana warku tilaamay in madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu marti qaad rasmi ah ka heleen dawlada Imaaraatka Carabta.

SomlegalAds

Shirkan ka sokow, waxaa jira Xaflad Safaaradda Somaliland ee Imaaraatka Carabtu ay maalmaha soo socda u qabanayso maamulka Xafiiskaas oo dawladda Imaaraatku kor u qaaday, Islamarkaana la gaadh siiyay xafiis rasmi ah. War uu soo saaray Safiirka Somaliland ee Imaaraatka Baashe Cawil Cumar oo arrintaas ku saabsan waxaa uu ku yidhi. Xafiiska Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaraatka Carabtu waxay ugubishaareynayaan dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalkan Imaaraadka Carabta in kor loo qaaday darajadii xafiiska wakiilka Somaliland ee UAE oo laga bilaabo maalintii taariikhdu ahayd 13 July, 2018, ay dowladda UAE u aqoonsatay inuu noqdo xafiis dowladda Somaliland uga wakiila danaha Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Imaraatka Carabta (Somaliland Liaison Office).

Haddaba munaasabad lagu daahfureyo hawlaha iyo adeega xafiiska Somaliland Liaison office ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dubai maalinta taariikhdu tahay 22, Jul, 2018. Somaliland Trade Office Dubai Burjuman, Khalid Bin Waleed Road, Bur Dubai, Dubai.”

Dawladda Somaliland kama hadal weftigan iyo marti qaadka loo fidiyay midna.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.