WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 09, 2016 (Saxafi) – Wefti safiirro ka kala socda wadamada Denmark, Norway iyo Netherlands iyo masuuliyiin sarsare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska iyo xukuumadda Somaliland ayaa booqasho ku tagay qaybo ka mid ah mashaariicda Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Weftigu markii ay soo gaadheen magaaladda Hargeysa waxay kulan kula qaateen xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland kulan kula yeesheen wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland, Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo masuuliyiin kale. Weftiga waxa kulanka ku wehelinayay masuuliyiin ka socday Midawga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Kulankan ayey weftigu warbixino ku saabsan Qorshayaasha Horumarinta Qaranka iyo sidii ay Waddamada Qaadhaan-bixiyayaahu u sii wadi lahaayeen taageeradda ay siiyaan Somaliland kaga wadahadleen intii uu socday. Kulankaas ka dib waftigu waxay booqasho ku tageen xarunta kaydka dhuumaha biyaha qaada (beebabka) ee duleedka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay si habsami ah uga socdaan hawlaha biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa iyaga oo sidoo kalena soo kormeeray goobaha ay ka socoto hawsha dhigidda beebabku. Weftiga waxa socdaalkan ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaciil (Cali Shoombe), Wasiir-u- dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Ducaale iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad iyo masuuliyiinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa xog-warran la xidhiidha mashruucan, heerarka uu soo maray iyo halka uu waqti xaadirkan marayo ku siiyey weftiga safiirrada goobta shaqadu ka socoto, isagoo xusay in dadaalkii muddada dheer la soo waday si magaalada Hargeysa biyo ku fulin loogu soo saaro uu hadda guul ku dhawyahay.
“Mudanayaal, maanta waxaad indhihiina ku aragtaan natiijada mucaawanadiinii iyo dadaalkii aad labadii sanno ee ugu dambeeyey la wadeen dawladda Somaliland, gaar ahaana Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaannuna aad ugu faraxsanahay taageeradiina. Waxaan filayaa sida qorshuhu yahay markaynu dhammayno mashruucan iyo dhammaan dadka degan magaalada Hargeysa ay heli doonaan biyo nadiif ah, ” ayuu yidhi Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis.
Intaa ka dib weftigu waxa uu booqday Mashruuca dib udhiska iyo Dayactirka Waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila oo ay fulinayso Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland kaas oo laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), waxaana halkaas waftiga warbixin ku siiyey halka mashruucu marayo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Somaliland Mud. Xasan Cali Cismaan, isaga oo masuuliyiinta uga warbixiyay ahmiyadda waddadani u leedahay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga isla markaana xusay in hawsha dib u dhisku meel fiican marayso waqtigan.
Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed (Carli Mareexaan) isaga oo tilmaamay in waddada dhereerkeedu yahay 19 Km taas oo hadda la dhamaystiray 13km inta hadhayna la dhamaystiri doono illaa bisha saddexaad ee sannadkan. Waxa uu intaas ku daray in waddadu intii aan dib u dhiska la bilaabin ay ahayd mid aad u burbursan oo dhib badani ka soo gaadhi jirtay gaadiidka iyo rakaabka. Ugu danbaynna waxa uu tilmaamay isbedelka wayn ee hada ka muuqda inuu yahay wax lagu farxo, tayada waddaduna tahay mid aad u fiican.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismacil (Cali shoombe) ayaa isaguna xusay sida Wasaaraddiisu ugu heelan tahay in ay isku xidho hawlaha horumarineed ee qaranka si loo taaba geliyo qorshayaasha horumarineed ee Somaliland oo ay ka mid yihiin kuwa laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Ugu danbaynna waxa uu u mahadnaqay waddamada qaadhaan-bixiyayaasha taageerada ay siinayaan Somaliland.
Dhinaca kale, Ms Mette Knudsen Safiirka Denmark ee Somaliland iyo Somaaliya oo ku hadleysay magaca Qaadhan-bixiyaayasha ayaa tidhi “Aad baan u soo dhoweynaynaa sida aad ugu faraxsantihiin in hannaanka qaadhaan bixiyayaashu u taageeraan Somaliland ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland yahay mid taabo galay oo ay mudan tahay in la xuso inuu yahay hannaan ku qotoma Qorshaha Horumarinta Somaliland. Waxannu sidoo kale aad ugu faraxsannahay maxsuulka taageerada aanu bixinnay iyo waxa aad ku qabateen”
Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay fulinaysaa Mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) kaas oo ka kooban qodidda afar ceel biyood, dhigidda beebab cusub oo tayo leh oo biyaha usoo gudbin doona Berkadda Kaydka Biyaha ee Hargeysa, iyada oo sidoo kalena la dhisayo saldhig kor u qaadi doona gudbinta biyaha oo laga dhisayo Geed Deeble.
Geesta kale, Mashruuca dib u dhiska waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila oo dhererkeedu dhan yahay 19 Km waxa fulinaysa Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, waxana laga maalgelinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Dib u dhiska waxa ka mid ah iyada oo lakabkii hore ee burburay dhamaantiiba la qaaday, lana saaray lakab ka tayo fiican, waddada xagga hoose sii fiican looga soo dhisay, isla markaana biyo mareenno loo sameeyey. Sidoo kale waxa loo samayn doonaa waddada calaamadaha nabadgelyada iyo waxyaabaha xawaaraha dhima.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talagalay inuu Dawladda Somaliland ka taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Dawalda Ingiriiska (DFID) iyo Dawaladaha Denmark, Norway iyo Netherlands.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.