WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 18, 2016, (Saxafi) – Wefti xisbiga Waddani ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ahna gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaaladda Boorama.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Saxafi ee goboladda galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, weftiga Waddani ayaa socdaal ku soo maray deegaanada xeebaha Galbeedka ee dalka, kaasoo la xidhiidhay hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Guddoomiye Cirro oo safarkiisan ay ku weheliyaan badi hoggaanka xisbiga iyo musharraxiintiisii mansabka Madaxweyne ku xigeenka ayaa la filayaa inuu maalmaha foodda innagu soo haya sii joogo magaalada Boorama, si uu kullamo codraadin ah ula yeesho qaybaha dadweynaha gobolka ama Boorama.
Safarka Guddoomiye Cirro ayaa kusoo beegmay wakhti xisbiyadda UCID iyo Kulmiyeba uga baxeen Magaalada Boorama oo ay bilowgii todobaadkan kaga wada qayb-galeen munaasabad loo qabtay daah-furka hawlaha diiwaan gelinta codbixiyayaasha gobolka oo lagu qabtay Jaamacadda Cammuud Khamiistii hore.

Wefti xisbiga Waddani ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga, ahna gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Ciro  ayaa shalay dib ugu soo laabtay Boorama

Wefti xisbiga Waddani ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga, ahna gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Ciro  ayaa shalay dib ugu soo laabtay Boorama

SomlegalAds

Wefti xisbiga Waddani ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbiga, ahna gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Ciro  ayaa shalay dib ugu soo laabtay Boorama

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.