WorldRemitAds

Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraatka oo ka warbixiyey Wadahadalada Shalay Dubai ka furmay

Dubai, UAE, June 5, 2016 (Saxafi) – Waxaa shalay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta dib uga furmay wejigii labaad ee heshiiskii ay Xukuumadda Somaliland iyo dawladda Imaaraatka Carabta kala saxeexdeen bishii May 9-keedii, kaas oo ku saabsanaa maalgelin ay dawladda Imaraatka Carabta iyo shirkaddeeda DP World ku samaynayaan Dekedda Berbera, iyo mashaariic dhawr ah oo ku hoos lamaan.

Wada-hadaladan ayaa waxaa dawladda Somaliland uga qayb-galay wefti wasiiro ah oo Khamiistii ina dhaaftay dalka ka dhoofay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Qorsheynta Qaranka, waxaana la filayaa in wada-hadaladan loogu sii gudbo marxalad ku dhow dhammaystirkiisa si bisha July oo ku-talagalku yahay in rasmi loo dhaqangeliyo heshiiskan ay labada dhinac u wada saxeexaan hirgelintiisa.

SomlegalAds

Haddaba, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, Baashe Cawil Cumar, ayaa warbixin ka bixiyay wada-hadalada shalay Dubai uga furmay weftiga Somaliland iyo dawladda Imaaraatka Carabta, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan:

“Maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 04/06/2016 ahna Sabti, waxa si rasmi ah uga furmay magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta wejigii labaad ee u socday Xukuumadda Somaliland, iyo Dawladda Imaaraadka, sidaynu la wada socono, bishii May sagaalkeedii, waxa halkan ka dhacay heshiis ay labada dal ku galeen, kaasoo ku saabsanaa maalgashiga dekeda Berbera iyo maalgashiga kale ee dhinacyada wadooyinka, iyo ganacsiga oo ay labada dal ku heshiiyeen, waxa runtii farxad weyn noo ah inay nasoo gaadheen weftigii ka socday xukuumadda Somaliland oo iyagu maanta wejigii labaad ee wada hadalka la furay dawladda imaaraadka, Insha Allaahu tacaalla, waxa aanu ka rajaynaynaa inuu wax khayr qabaa inuu uga soo baxo Dalka, iyo Dadka reer Somaliland.

Sida aynu la wada socono shacabka reer Somaliland waxay la leeyihiin cilaaqaad fiican dawladda imaaraadka carabta, dawladda imaaraadkuna waxa weeyen dal wax badan tara Somaliland markay noqoto, dhinaca sama-falka, haday noqoto dhinaca biyaha, wadooyinka, abaaraha oo aynu ogayn tiraba laba jeer inay bishii sanadkii la soo dhaafay, inay dadkeena abaaruhu ku habsadeen ay wax soo tareen waa dawlad runtii marwalba barbar taagan, maantana, farxad weyn ayey inoo tahay shacab ahaan inaynu cilaaqaadkeenii ganacsiga ee aynu taariikhiyan la lahayn Somaliland, dawladda imaaraadka aynu samaynay heshiis runtii albaabada u furaya maalgashi iyo xidhiidh joogto ah oo ka dhex dhaca Somaliland iyo Imaaraadka.

Weftigu waxay joogi doonaan ilaa salaasada insha Allaah, iyagoo maalintaasna ku noqon doonnaan dalkii, wixii warbixin ah iyo wixii wada hadal ah ee ku saabsan arrintaa iyaga ayeynu u dayn doonaa, balse waxaynu u rajaynaynaa guul, shacbiga Somaliland ee guddo iyo dibedbana waxa aanu uga mahadcelinaynaa, sidii wacnayd ee ay arrintan u tageereen, isuna barbar istaageen arrintaa heshiiska.

Mucaarad iyo muxaafidna waxa aanu leenahay wixii dalka u soo kordhaya ee wanaaga in xaga wanaagsan layska taago ayaa muhiima oo meel looga soo wada jeesto, waxani waa wax qaranka u soo hadhaya, waa wax jiilka danbe ee dhalinyaradeenu ka manaafacaadsanayaan, wixii la ansixinayo iyo wixii lagu hagaajinayaana waxay noqonayaan wax sifo sharciya loo maro oo baarlamaanka loo geeyo, markaa waxa wanaagsan in aan la siyaasadayn oon wixii xumaani ku jirin xumaan laga deyin, dadka wixii dhaliil qabaana waxay u gudbin karayaan, gudidda wada hadalada iyo xukuumadda inoogu jirta, waase in aynu mucaarad iyo muxaafidba arrintan meel fiican iska soo wada taagno oo ah in aynu mashruucan illaashano, dalal badan oo danaynayey mashruucan inay iyaga u tagaan ayaa jiray, nasiib wanaag Somaliland iyo dekeda Berbera ayaa u heshay nasiib.

Runtii farxad weyn ayey ii tahay anigoo ah safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, in maanta mashruucii ugu balaadhnaa ee ay Somaliland hesho uu noqday mashruucani intii ay Somaliland jirtay ee 25ka Sanno ahayd , insha Allaa waxaanu noqon doonaa mid dhaxal-galla oo dalka iyo dadkuba u aayo, gudidda inoogu jirta heshiiskana uu Alle ku guuleeyo.

Wa-bilaahi tawfiiq”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.