WorldRemitAds

Boorama,Somaliland, February 27, 2012, (Saxafi) – Weriye Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil oo ka hawl-gala qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee laga maamulo Gobolka Awdal ayaa Cusbitaalka Boorama ugu jira dhaawacyo ka soo gaadhay nabaro ay gaadhsiiyeen ciidamada  Booliska ee saldhigga Boorama.

Sida uu ku soo waramay wariye Maxamed Cumar Sheekh, Saxafigan oo muddo saddex maalmood ah ku  xidhnaa saldhigga  Booliska Boorama, isagoo aan wax maxkamad ah la geynin ayaa shalay loola cararay Cusbitaalka guud ee Boorama, ka dib markii sida la sheegay ay saldhigga ku dhex garaaceen raxan Boolis ah oo markaa ilaalinayey dadka ku xidhan Xabsigaasi.

Wariyaha Saxafi oo ku booqday saldhiga Wariyahan ayaa sheegay in ay duljoogeen waalidiinta iyo qaraabadda wariyahaasi, waxaana ay saxaafadda u sheegeen in wiilkooda  ay si xun u garaaceen ciidanka Booliska, kaddibna la keenay Cusbitaalka iyaddoo wakhtigaasna xaaladda weriyahaasi aad u xumayd. Ilaa imika lama oga in tallaabo laga qaaday ciidankii garaacay iyo inkale,iyadoo ay tahay markii ugu horreysay  ee weriye saldhiggaasi sifo sharciyaddeeda lagu muransanyahay ugu xidhnaa loogu daro jidhdil,mana aha markii ugu horreysay ee magaalooyinka Somaliland lagu xidho wariye iyadoo aan la marin xadhigiisa sifo sharciga waafaqsan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.