WorldRemitAds

London, UK, December 15, 2010 (Saxafi) – Maareeyaha Guud ee shirkadda WorldRemit, Dr Ismail Ibrahim Ahmed, ayaa ku guuleystay abaalmarintii qaybta shirkadaha ganacsiga ee Somali Achievement Awards 2010, taasi oo loogu aqoonsadey in shirkadda uu sameeyey wax weyn kusoo kordhisay nidaamka xawaaladaha.

Shirkadda WorldRemit (www.worldremit.com) oo uu aasaasay Dr Ismail Ibrahim Ahmed waxay u suura gelinaysaa dadka in iyaga oo gurigooda jooga ay ehelkooda lacagta u xawili karaan iyaga oo isticmaalaya Debit ama Credit Card. Waxay tani u suuragelinaysaa in dadka lacagaha biilasha ah diraa ay gebi ahaanba ka maarmayaan wakiilladii lacagta caddaanka loo geyn jirey ee wakhtiga badani ku lumi jiray.

SomlegalAds

Mulkiilaha shirkadda WorldRemit, Dr Ismail, oo ka hadlaya abaalmarintan ayaa yidhi, “Aad ayaan ugu faraxsan ahay in aan abaalmarin labaad isla sannadkan gudihiisa ku helo waxyaabaha cusub ee WorldRemit ku soo kordhisay nidaamka lacag diriska ee Geeska Afrika”.

Shirkadda WorldRemit waxay hore ugu guulaysatay oo kaalinta koowaad gashay tartan dhex mara shirkadaha wax cusub soo kordhiya ee doonaya in ay maalgelin helaan. Tartankaasi oo ka dhacay jaamacadda London Business School bishii May 2010 waxaa ku guuleystay WorldRemit oo heshay abaalmarin qiimaheedu ahaa £10,000. Waxay taasi shirkadda u suura gelisay in ay maalgelin ka hesho “professional investors”.

Ilaa 90% lacagaha biilasha ah ee Soomaalida ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay u diraan ehelkooda waa $100 ama wax ka yar, laakiinse wakhti marka la isku soo celceliyo gaadhaya saacad ayaa qofkiiba kaga luma in uu u safro meelaha wakiilladu ku yaallaan. Waxa intaasi dheer in meelaha lacagaha laga diro qaarkooda aanay macaamiishu ka helin Privacy oo marka faahfaahinta lacagta la yeedhinayo ay maqlaan dadka kale oo dukaanka ama Internet Cafe-ga wax ka iibsanayaa.

Worldremit waxay suuragelinaysaa in sidii looga maarmay tigidhadii diyaaradaha ee Travel Agent-ka laga iibsan jiray in gebi ahaanba laga maarmo wakiilkii loo tegi jiray si lacag yar oo biil ah looga diro.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.