WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 4, 2014 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay furay shirka 7aad ee isu-duwida mucaawinooyinka Somaliland,kaas oo ka soo qaybgalleen safiiro wadamo reer Yurub ah, xoghayaha guud ee Ururka IGAD iyo hay’adaha qaadhaan bixiyeyaasha.

55Sidoo kale, shirkan waxa ka soo qaybgallay  Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadd, Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Madaxtooyada, Xannaanada Xoolaha, Caddaaladda, Deegaanka, Ciyaaraha, Macdanta iyo Tamarta, Khayraadka Biyaha, Gancasiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, madax kale oo ka socotay laamahada dawaladda, ururrada bulshada rayidka ah, kuwa dhallinyarada, ganacsato madax ka socotay deeqbixiyayaasha, safiirro, masuuliyiin ka socota Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Baanka Adduunka, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo ururrada caalamiga.

5555

SomlegalAds

Shirkan oo muddo laba maalmooda ka socon doona Huteel Ambasador ee Magaalada Hargiesa, waxa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Ujeeddada shirkan ayaa waxay tahay sidii loo lafoguri lahaa, isla markaana ay dawladdu ugu gudbin lahayd deeqbixiyayaasha  warbixin la xidhiidha waxqabadka ka soo baxay mucaawimada ay siiyaan Somaliland iyo sida loo kala siiyo mudnaanta baahiyaha dalka ka jirta iyadoo la isku jaangoyn doono qorshayaasha sannadaha soo socda la iskuna waafajin lahaa mucaawinada iyo baahida.

Shirkan oo sannadkiiba laba jeer qabsooma, ayaa sannadkana waxa si gaar ah isha loogu hayo habka caawimada gaarka ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement) ee ka mida barnaamijka loo yaqaano New Deal (heshiiska Cahdiga Cusub).

DSC05987.JPGMadaxwayanaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa u mahadnaqay Qaadhaanbixiyeyaasha  iyo ka soo qaybgalayaasha, waxa uu madaxwaynuhu xusay inay Somaliland labaatankii sanno ee ugu dambeeyey ay nabadgalyo ku naaloonaysay, taasoo sidoo kale ay kula noolayd waddamada jaarka iyo caalamka intiisa kaleba, isagoo intaa ku daray in Somaliland ay gaadhay horumar ballaadhan oo dhinacyo badan ah. Waxa kale oo uu xusay madaxwaynuhu inay ka go’antahay qabashada doorashada Madaxtooyada iyo Wakiillada ee sannadka 2015. Waxa kale oo uu madaxwaynuhu ka dhawaajiyey mowqifka ay xukuumaddu ku qaadacday ka qaybgalka shirka dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Madaxweynuhu isagoo sii hadlaya waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka shacabka, waxaan jeclahay in aan u mahad naqo hay’adaha horumarinta nagala shaqaysa oo shirkan ka soo qaybgallay iyo kuwo awoodi kari waayey inay nagala soo qaybgalaan ee taageeradda naga siiya dhanka horumarinta Somaliland.Maanta waxa aanu iskugu nimid sidii aanu uga warbixino halka ay marayso horumarka aanu  aanu ka wada shaqayno oo shirkani ka mid yahy qorshaha Somaliland loo dajiyey bishii September 2013, oo ah in aanu tusno sida ugu wanaagsan ee aanu u maamulno mashaariicda lanagu caawiyey, tasa oo muhiimadda kowaad tahay sidii aanu u qiimeyn lahayn waxyaabihii aanu ka soo shaqaynay yo wixii noo hadhsan oo ka mid ah qorshihii siyasadeed ee la dejiyey sanadkii 2013, qorshahaas oo raacsan shuruucda muwaadiniinta u yaalla. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo dhaqaalaha ka soo baxa sanduuqa aanu ku xoojino qaab-dhismeedka qorshaha Somaliland special Arrangement oo runtii isha caalamku gaar ula socda habka loo maamulo. Waxa aanu mar walba ku hawlan nahay in aanu ku guulaysano oo indhaha caalamka noo soo jeediso”ayuu raaciyey hadalkiisa.

DSC05989.JPGWasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna si faahfaahsan uga warramay ujeeddada shirka iyo qodobada lagu lafogurayo oo uu sheegay inay tahay sii warbixin ku saabsan waxqabdka ka fulay mucaawinooyinka Somaliland la siiyo loo siin lahaa deeq-bixiyayaasha, waxaannu intaas ku daray in mudada uu socdo lagu lafa guri doona arrimhaas mucaawinpooyinka ee loogu talogalay in lagu horumariyo Somaliland.

Safiir Anderson oo ku hadlayey magaca dawlada Denmark ayaa ka dhawaajiyey sida ay ugu ganacsanyihiin Horumarka Somaliland ay gaadhay isagoo xusay inay sii wadi doonaan deeqaha iyo mucaawinayooyinka ay siinayaan Somaliland, waxa kale oo uu xusay inay soo dhawaynayaan xubinta dumarka ee lagu daray gudida doorashooyinka.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxdii ka socotay ka qaybgalayaasha shirkana dhammaantood waxay si isku ugu mahadnaqeen ergooyinka kala duwan ee ka soo qaybgalay shirka, waxaanay tilmaameen in waxqbad muuqda lagu fuliyey mucaawinooyinka Somaliland ka soo gaadha deeq-bixiyayaasha iyo dawladaha Caalamka, halkan ka sii wadi doona wadashaqaynta iyo arrimaha horumarka dalku gaadhay.

 Sidoo kale, ku xigeenka Ergayga Soomaaliya u qaabilsan UN-ta Fadxiya ayaa sheegtay inay taageersantahay Somaliland, isla mrkaana bulshadda ugu baaqday inay midnimadoodda iyo isku xidhnaanshahoodda sii wataan, iyadoo Somaliland ku amaantay horumarka dhinacyadda badan leh ee ay gaadhay iyo sida ay mar kasta oo ay aragto ugu faraxdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.