WorldRemitAds

Xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Falastiin, Suha Dawil Carafaat ayaa waraysi ay dhawaan siisay telefishanka MBC ee afka carabiga, kaga warantay guud ahaan noloshii odaygeeda iyo waxyaabihii uu jeclaan jiray.

Haweenaydan oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu Taga Imaaraatka Carabta oo ay kaga qayb gelayso Mahrajaan, lagu soo bandhigayo filimada carabta oo uu ku jiro, filim jilaa Ingiriis ah oo dhalashadiisi hore Yuhuudi tahay ka matelay noloshii Carafaat, taariikhdiisi iyo dhimashadiisi oo ay ugu yeedhay markii uu shihiiday.

Ugu horayn Suha Carafaat waxa ay ka warantay sida nolosha odaygeedi Yaaser Carafaat (Abu Camaar) ahaan jirtay, taas oo ay sheegtay in gabi ahaanba, ay ahayd nolol halgan iyo dagaal aan kala go’ lahayn ku dhex wareegaysay. Iyadoo xustay in aanu nasan jirin, habeenada qaarkoodna uu seexan jiray saacado ka hor waabariga ama sidaa ku tukan jiray salaada Subax ka dibna dib shaqadiisa u bilaaban jiray.

SomlegalAds
06 Oct 1994, Gaza, Gaza Strip --- Yasser and Souha ARAFAT at home. --- Image by © Maher Attar/Sygma/Corbis
06 Oct 1994, Gaza, Gaza Strip — Yasser and Souha ARAFAT at home. — Image by © Maher Attar/Sygma/Corbis

Dhinaca waxyaabaha uu isku madadaaliyo ama uu daawado iyadoo ka hadlaysa, ayay sheegtay inuu jeclaa, daawashada filimada kartoonka, gaar ahaan kuwa Tom iyo Jerry-ga loo yaqaan, kuwaas oo uu ka aaminsanaa ayay tidhi in ay ku dhisan yihiin, Falastiin iyo Israel siyaasadooda, waxa kale oo ay sheegtay inuu jeclaa filimada qadiimka ah ee carabta, oo inta badan ka hadla siyaasada iyo Qadiyada Falastiin iyo halganada.

Mar ay ka hadlaysay filimka uu soo saarayo, jilaaga Yuhuudiga ah ee dhalashada Ingiriiska haysta, ayay ku tilmaantay inuu yahay nin xaqiiqada noloshii iyo taariikhdii Yaaser Carafaat doonaya, isla markaana uu kala tashaday arrimo badan, waxa kale oo ay ka hadashay xidhiidh uu la soo sameeyay iyo in filimka ka hor intaan la soo saarin la daawadsiiyay oo ay meelo badan in laga bedelo ka dalbatay lagana aqbalay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.