WorldRemitAds

Mudane Madaxweyne waxa isasoo taraya cabashada laga tirsanyo qaar ka mid ah masuuliyiintaada, gaar ahaan kuwa madaxtooyada ka hawlgala.. Xadhiga masuuliyiinta iyagoon dambi lagu heyn waa dambi laga galay muwaadiniinta.

Madaxweyne waxay dadku arkeen falal badan oo aan sumadaadii aheyn oo aqalka madaxtooyada soo afaaf dhaafay.

Kolka ugu horeysa waxa ay ummadu aad usoo dhoweynaysaa la dagaallanka falalka musuqmaasuqa iyo  isdabamarrinta ah ee horumarka wadanka naafeeyey. Ceebina kuma jirto in cid alla ciddii lagu helo arrimaha ceynkaas oo kale ah sharciga lala tiigsado oo ciqaab adag oo aan naxariis laheyn lagu dabro.

SomlegalAds

Laakiin waxa aan loo dul qaadan karrin marka la dagaallanka musuqmaasuqa loo adeegsado siyaabo khaldan. Waxa musuqmaasuqa ka fool xun kolka cid aan waxba gallabsan loo adeegsado iyadoo ujeedada ka dambeysaana ay tahay aar goosi iyo awod sheegasho. Sharcigu wuxu dhigayaa in aan cidna la iska xidhi karrin ilaa lagusoo cadeeyo dambi. Waliba waxa ceeb ah in shakhsi masuul qarran ah falkaas oo kale lagula kaco.

Xukumaddii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa mudane Daahir Rayaale Kaahin waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu dhaliili jiray waxa ay aheyd muwaadiniinta oo la iska xidho iyagoon wax dambi ah loo heyn ama tuhun aawadeed , iyadoon waarran maxkamadeed la haysan, boolisku soo katiinadeeyo. Dhaliilahaa dadka ugu dhawaaqa dheera waxa ay ahaayeen xisbiga Kulmiye ee  talada maanta haya ee uu gadhwadeenka ka yahay Mujaahid Axmed Siilanyo.

Xadhigan badhasaabka Hargeysa Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilahi iyo labada masuul ee kale maaha kii ugu horeeyey ee ay xukuumadani ku kacdo balse wax ka horeeyey kuwa badan oo kale laakiin kani waxa uu kaga duwan yahay, xadhigooda waxa loo raaciyey oo u dheer in  xilalkii iyo masuuliyaddii ay hayeen in laga eryo.

Waxa dad badani rumeysan yihiin in afcaasha caynkan oo kale ahii aanay aheyn sumad lagu yaqaan Madaxweynaha ee ay jiraan ashkhaas kale oo taladii dalka ka maaroosaday. Taa waxa ay dadku u daliilshanayaan kolka dub loo jaleeco afkaarihii iyo ballan qaadyadii xisbigu Kulmiya ololaha doorashooyinka ku gali jiray ayaa ahaa kuwa aad ugu fog  facaail badan oo xukuumadu baryahan dambe lagu arkay ku dhaqankeeda. Sidaa daraadeed , kolka waxyaabahaa  la isku geegeeyo waxay u eegtahay in  jahawareer ka jiro  madaxtooyada, madaxweynuhuna warba ka heyn. Ceeb maaha in uu madaxweynuhu adeegsado gacan yareyaal laakiin waa in uu dadkii hawshaa ku haboona uu xushaa.

Gunaanad:

Madaxweynaha Somaliland waxan usoo jeedinayaa in si deg deg ah u qaado talooyinka hoos ku taxan oo ay muwaadiniin badani  ila qabaan:

1.     Kolka ugu horeysa waa in dhawaaqa, qaylada iyo cabashada  dadku ay ka tabanayaan masuuliyiinta qasriga madaxtooyada si wanaagsan madaxweynuhu u dhageystaa,  dabadeed  si deg deg ah wax uga qabtaa oo u baadhaa arimahaas  marba marka ka dambeysa aad isku soo tarayaa sida ay wax uga jiraan.
2.     Haddii ay u cadaato in uu khalad jiro oo cabashooyinkaasi daw yihiin waa in uu deg deg u saxaa.

3.     Waa in uu talaabo sharci ah ka qaadaa ashkhaasta ka masuulka ah dambiyadaa, ee  magac xumada usoo jiidaya madaxtooyada iyo guud ahaan qarranka Somaliland.
4.      Dabadeedna  waa in xukuumadu geesinimo yeelataa oo ka  raali galisaa cid alla cidii xaq darradaasu ku habsatay.
Alahayow Cadaaladda nagu hanuuni!
Alahyow daallinka iyo daneystaha ummadda ka qabo!
Alahayow Madaxda iyo masuuliyiinta darriqa wanaagsan waafaji!
AAMIIN!!AAMIIN!!AAMIIN!!!

Allaa Mahad Leh

A.Aw Hussein

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.