WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 6, 2015 (Saxafi) – Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, madaxdhaqameedka, waxgaradka, Xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beesha Koonfurta Hargeysa (Ciidagale), ayaa si buuxda isugu raacay una taageeray Murashanimada jagada Madaxweyne ku xigeenka ee uu u taagan yahay Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye.

Beesha Koonfurta Hargeysa waxa ay ugu ballan qaadeen wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye in xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE kaga jira beesha Ciidagale ay si buuxda ugu codayn doonaan, cid kula gorgortamaysaana aanay jirin codkooda.

SomlegalAds

Munaasibadan oo ahayd qaddo sharaf ay isku arkeen beelaha Harti iyo Ciidagale oo ka qabsoontay magalada Hargeysa, waxaa goob joog ka ahaa Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle, madaxdhaqameed, golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE iyo xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha guddida Kaambaynka murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ee Beelaha Harti Maxamud Graad Maxamed Garaad Maxamed ayaa ugu horayn munaasibadaasi ka hadlay, waxaanu beesha Ciidagale u soo jeediyay codsi la xidhiidha in ay la dhisaan Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye, waxaanu yidhi “Waxaanu idinka codsanaynaa in aad nala dhistaan Dr. Xaglo-toosiye oo ah nin reer Hargeysa ah oo halkan ku dhashay oo raggiisii iyo asxaabtiisii ay buuxaan, markaan run idiin sheegana anagu codka Ciidagale boqolkiiba boqol ayaanu tirsanaynaa. ”

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaanu u mahad naqay Haldoorka iyo madaxdhaqameedka beesha Ciidagale ee munaasibada ka soo xaadiray, waxaanu yidhi ““Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland, madaxdhaqameedka kale, xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE, Xildhibaanada iyo marti sharafta kale ee meesha fadhida aad baan ugu mahad naqayaa, waxaanan idiika mahad naqayaa sida aad noo soo ajiibteen, kalsooni buuxda ayaanan ku qabaa in aan helayo codkiina, waayo beeshu waa dadkaygii, qof qof ayaan u garanayaa raga golaha dhexe ee KULMIYE ugu jira. ”

Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye waxa kale oo uu intaa ku daray “Somaliland waxay soo jirtay shan iyo labaatan sanno, intaas oo dhan dhinac ayay ka rarnayd, inkasta oo axdi-qarameekii Boorame uu heshiisku ahaa in marka madaxweynuhu bari yahay uu madaxweyne ku xigeenkun ahaado galbeed, iyada oo ay sidaa tahay haddana may ahayn khalad laga galay dadka gobolada bari ka soo jeeda ee waxay ahayd maqnaasho ay iyagu maqnaayeen, maanta se khaladkaasi wuu saxmay, dadkaasi way soo noqdeen, way joogaan, waxaan jecelahay iyada oo la danaynayo Somaliland midnimadeeda, iyada oo la danaynayo in la soo kasbado dadkaas boqolkiiba boqol in aad maanta booskaa nagu taageertaan. ”

Wasiirka caafimaadka Somaliland waxa uu farriin adag u diray siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada bari, kuwaasi oo uu ku tilmaamay shakhsiyaad aan doonayn in doorasho ka dhacdo gobolada bariga Somalilad, waxaanu yidhi “Kuwa aan doonayn in dadku yimaado ee aan doonayn meesha laga codeeyo, kuwa doonaya in ay halkan iska joogaan ee ku ololaynaya haddaanu Harti nahay diyaar ma nihin ee naga daaya, dhawr nin baa jira, kuwaasina waa beenaalayaal. ”

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ayaa murashaxa ugu bushaareeyay in ay taageero hiil iyo hooba ah la garab taagan yihiin Beel ahaan iyo reer Somaliland ahaa ba, waxaanu yidhi “Xafladan qiimaha leh ee ay inoo qabteen Qolada Harti, waan u mahad naqayaa ciddii ka soo qayb gashay, waxaa loo qabtay munaasibadan waa taageero lagu taageero Dr. Xaglo-toosiye tartanka murashaxnimada madaxweye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE.

Anagu waanu garab taaganahay reer ahaan iyo Somaliland ahaan intaba waanu kugu taageeraynaa, wixii ILLAAHAY qoray baa qoran laakiin anagu waanu ku garab taagannahay, qoladiina barri waa jaanis meesha ka bannaanaa oo aad in badan ka maqnaydeen,. ”

Axmed Guud Cadde oo ka mid ah xubaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay, waxaanu ballan qaaday in uu codka ugu rido doono marka la gaadho doorashada, waxaanu yidhi “Aniga oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira beesha, rag kale oo badan oo soo cudur daartay oo aniga isoo wakiishay oo ugu yidhi Saleebaan gaadhsiina way jiraan, waxaan leeyahay Saleebaanow waanu kuugu ridaynaa waanuna ku garab taaganahay. ”

Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa madashaasi ka jeediyay hadalo isugu jiray, ballan qaad, dhiiri gelin iyo dardaaran, waxaanu yidhi “Halkan waxa aynu maanta isugu nimi arrin muhiim ah, dadkuna maaha in ay isa soo hor fadhiistaane waa in ay xaqiiqda ka wada hadlaan. Wasiirka u socda jagada madaxweyne ku xigeenka ayaa inala jooga, beesheenana wuxuu ka codsaday in taageero la siiyo, waxaan leeyahay ninkii ka baydhow qoodhaa iyo xeradaaba jabtay. ”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waa kale oo uu intaa ku daray “Inagu qowm mabda’ leh ayaynu nahay reer ahaan, waxa weeye meeshaa aynu ku tashano in la inoo gooyo mooyaane maya daba ma naqaano. Dr. Saleebaan waa madaxweyne ku xigeenkaygii, waanan la shaqaynayaa, waanan ku dooranayaa. ”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.