WorldRemitAds

Lughaya, Somaliland, June 28, 2018 (Saxafi) – Wararka laga heleyo degaanada hoos yimaadda Degmada Lughaya, isla makaana ay dhibaatooyinka baaxadda lihi ka soo gaadheen duufaantii Sagar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday duufaantaasi la ildaranyihiin xanuunno kala duwan oo qaarkood ka abbaareen dhinaca jidhka iyo maskaxda.

Suldaan Abshir Abshir Muxumed Ducaale oo si gaar ah ugu warramay Saxafi makii uu halkaas ka soo laabtay, ayaa sheegay inay jiraan xanuunno kala duwan oo duufaantaa ka dib lagu arkay carruurta iyo dadka waayeelka ah, iyadoo gurmadka cuntada u badan ee halkaasi xukuumadda, hay’adaha iyo shacbigu u fidinayaan dadka dhulkaasi aan lagu soo darrin baahiyaha hoose ee haysta dadkaasi isagoo Suldaanku yidhi ”Baahida dadkaasi maaha kiish bariis ah oo lala ordo, dadkaasi waxay fadhiyaan bannaan cidlo ah oo heerkulkiisu yahay 45 digree, ma haystaan cuntada la siiyey meel ay dhigtaan mana haystaan maacuun ay wax ku karsadaan mana haystaan gargaar dhinaca caafimaadka ah oo ku filan in kastoo dawooyin yar la geeyay”

SomlegalAds

Suldaanka oo ka hadlay xanuunada lagu arkay halkaasi ayaa yidhi “Xanuunada dadkaasi ku soo baxay duufaanta ka dib ayaa ah kuwa kala nooc ah. Ubadka ama carruurta yaryari haddii ay maqlaan onkodka roobka waxay u ordaan dhinac kasta oo ay u jeedaan, waxa jira dad subax kasta qaata majarafado iyo biraha dhulka lagu qodo si ay u helaan maydadka dad weli la la’yahay, waxayna dadkaasi qodayaan meel kasta oo dhulka ah oo buuran ama soo taagan. Dadka qaar baan habeenkii seexan oo hurdada ka selela ama sas ku dhacay, qaarkoodna hurdaba kuma soo dhacdo. Waxa taa weheliya dadka weli baadigoobaya hanti u badan lacagta shilinka Somaliland ah ama doolarka ah ee u taallay gurayaha iyo dukaanadii baaba’ay ama ku jirtay jeebadaha dharkii daadadku ka qaadeen, iyagoo aad mooddo inay rajadii nolosha ay ka qabeen hoos uga dhacayso waxayna dadkaasi u baahan yihiin dhakhaatir dhinaca maskaxda ah oo arrimahaasi kala taliya qaybna ka ah gurmadka kale ee loo fidinayo”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.