WorldRemitAds

Xarunta looga taliyo diinta Kiristaanka ee Vatican-ka loogu yeedho ayaa dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga ku amaantay, isbadalada uu ku samaynayo nidaamka dawladnimo ee dalkiisa, gaar ahaan wax ka badalka xukunka shareecada diinta Islaamka ee dalkaasi hore ugu dhaqmi jiray.

Baadariga faafinta Diinta Kiristaanka ee bariga dhexe iyo waqooyiga afrika u qaabilsan Vatican-ka Cardinal Jean Louis Tauran, ayaa bayaan uu dhawaan soo saaray, baadari waynaha kiristaanku u akhriyay warbaahinta, kaas oo nuxurkiisu ku saabsanaa sida kaniisadu u soo dhawaynayso is badalada dhaxal sugaha Sucuudiga.

SomlegalAds

Baadarigan ayaa sheegay in Kaniisada Katoligu ay hore uga walaacsanayd xukunada dawlada Sucuudigu ku qaadi jirtay dadka Gaalooba ee diinta Islaamka ka baxa, kuwaas oo dil lagu xukumi jiray, laguna tilmaami jiray kuwo murtadiin ah oo diintoodi badalay.

Laakiin is badalada uu dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed Bin Salman sameeyay, ay wax wayn ka badalayso xaaladaa hore, muwaadiniinta Sucuudiguna ay xor u noqon doonaan inay diinta ay doonaan ay qaataan.

Badaarigan ayaa sheegay in hore xukuumada Sucuudiga ugala hadleen, muwaadiniinta Sucuudiga ah ee Diinta Masiixiga qaata, waxaanu isagoo ka hadlaya uu yidhi, “Baadariga ugu sareeya Kaniisada diinta Kiristaanku waxa uu mar hore boqorka Sucuudiga kala hadlay, in wax ka badal lagu sameeyo xukunada adadag ee lagula dhaqmo dadka diinta Islaamka ka baxa ee Sucuudiga ah, ka dibna uu boqorku balan qaaday in cabashadooda uu darsi doono.” Ayuu yidhi Cardinal Jean Louis Tauran.

Baadarigan oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waxa farxad noo ah in dhaxal sugaha Sucuudigu uu wax ka badal ku sameeyay xukunkii adkaa ee lagula dhaqmi jiray dadka diinta Islaamka ka baxa, talaabooyin wanaagsan oo lagu furfurayo siyaasada waddankiisana uu qaatay, baadariga iyo Kaardinaalada kale ee Vatican-kuna ay u ducaynayaan.”

Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohamed Bin Salman ayaa isbadalo waaweyn ku sameeyay nidaamkii shareecada Diinta Islaamka ku dhisnaa ee dalkiisu ku dhaqmi jiray, waxaanu ogolaaday xafladaha muusiga, is dhex galka raga iyo haweenka iyo waxyaabo kale oo hore mamnuuc uga ahaan jiray dalka Sucuudiga.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa isbadalada uu wado dhaxal sugaha Sucuudigu ku tilmaantay kuwii ugu waynaa ee boqortooyadu abid ku talaabsato, kuwaas oo sida ay tilmaantay warbaahintu reer galbeedku fur furaan iyo xoriyad badan ay muwaadiniinta Sucuudigu ka dheefi doonaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.