WorldRemitAds

“Ururadda midnimada diyaarka u ah waxa ii cadaatay in ururkan XAQSOOR uu yahay ururka ugu heelan ..” Xasan Ciise Jaamac

“Anigu haddii laygu casuumo inaan majaraha u qabto (Xaqsoor), dariiqeedana ay soo marto mabsuud baan ka ahay isaga iyo ururada kale ee la midoobi donna” Xasan Ciise.

Hargeysa, Somaliland, March 19, 2012 (Saxafi) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md: Xasan Ciise Jaamac, ayaa sheegay in midayntii uu ururada qaarkood ka dhexwaday ay meel fiican u marayso, isla markaana ururka XAQSOOR yahay ururka ugu horeeya ee ogol midnimo uu la sameeyo ururada kale.
Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo uu sheegay in haddii ururka XAQSOOR u gartaan inuu hogaamiyo marka ay shirweynahoodda qabsanayaan uu diyaar u yahay, isla markaana majaraha u qaban doono.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Xasan Ciise Jaamac oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xarunta urur siyaasadeedka XAQSOOR ee magaaladda Hargeysa ayaa taageero weyn u muujiyey ururka XAQSOOR iyo ururada kale ee jecel buu yidhi midaynta ummadda Somaliland, isagoo xusay inuu ku rajo weyn yahay ka midho dhalinta inuu ururo badan mideeyo, isla markaana hal urur iskugu keenno.

SomlegalAds

Ugu horeyn Md:Xasan Ciise Jaamac oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waad ka warhaysaanoo muddo ayaan ka shaqaynayey midaynta ururada cusub ee la diiwaangeliyey, dhawr ayey ka muuqatay inay diyaar u yihiin oo wadda hadal rasmi ah galaan, ururadda midnimada diyaarka u ah waxa ii cadaatay in ururkan XAQSOOR uu yahay ururka ugu heelin midnimadda uu la midoobo ururada kale, xaga hore ka galo oo uu hormood u noqdo midaynta ummadda Somaliland, sidaa awgeed waxaan goostay in aan taageero buuxda aan u fidiyo ururkan Xaqsoor, taageerayaashana aan waydiisto inay sidaas oo kale iila dhisaan ururkan Xaqsoor, si uu u guto arinkaasi uu u heelin yahay ee ah midaynta ummadda Somaliland iyo ururada cusub ee la diiwaangeliyey, sidaas ayeynu kaga qaybgalaynaa kormeerkan Diiwaangelinta ee socda isaga iyo inta kale ee la midowda inay u gudbaan heer xisbi”ayuu yidhi.

Intaas ka dib waxay warbaahintii shirkaasi jaraa’id ka qaybgashay waydiiyeen su’aalo door ah, waxaanay su’aalihii iyo jawaabihiiba u dhaceyn sidan:

S: mudane madaxweyne ku xigeen waxaad sheegtay in aad ururo us oo bandhigto inay midoobaan, balse aanay suurogalin waa kuwee ururaddaaasi aad u soo bandhigtay inay midoobaan ?

J: Dhawr urur baa diyaar u ah, wadda jir baa kuwa rumeeya u qaban doonnaa warsaxaafadeed marka la gaadho wakhtigeedda.

S: Xasan Ciise Jaamac waxaad tahay madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, maanta waxaad joogta xafiiska Xaqsoor marka haddii uu ururkan ku yidhaa na hogaami ma ka yeeli doontaa ?

J: Ururka Xaqsoor sida ururadda kalaba bishan soo socota bay qabsanayaa shirweynihiisii, ururada oo dhan waa laga rabaa, hogaankoodda imika jiraa waa ku meelgaadh, Xaqsoorna sidaas oo kale ururada waa kala mid, marka shirweynahoodda qabsadaan Xaqsoor diyaar baan u ahay anigu haddii alle yidhaa oo laygu casuumo inaan majaraha u qabto, dariiqeedana ay arrintu soo marto saxda ah mabsuud baan ka ahay isaga iyo ururada kale ee la midoobi doonna.

S:Haddii aad ku biirtid ururkan oo sidaas aad sheegtay aad taageerayaashaadda ugu baaqday inay ku biiraan ururkan maxaad is leedahay waad ku biirin kartaa, ta kale, waxaad hore u sheegtay in aad tidhi UCID iyo UDHIS aad tahay, waana isku keenayaa, marka miyaad isku keeni wayday saddexdan urur ?

J: UCID iyo UDHIS hore ayaan u idhi labaddaba waan ahay, wayna jirtay, wakhtigaasi wuxuu ahaa wakhti ururadan cusub badankoodda aan lagu dhawaaqin, XAQSOORna wakhtigaasi may jirin, marka ururada aad sheegtay iyo ururadii dabadood soo baxay dhawr ka mid ah midnimada way ogol yihiin, waxa ka soo hor maray didayntii ururada kormeerkan cusub ee Diiwaangelinta, kaas ayaa wada hadaladii yara hakiyey, kormeerkani marka uu ina dhaafo ururadaas aad sheegtay iyo kuwa kalaba inay usoo banbaxaan haddii alle yidhaa midnimada aanu doonayno in aanu ummadda Somaliland midayno.

Sidda aan hore u sheegay markii aan la xidhiidhay ururaddii ee xaga midnimada aan kala xidhiidhay inuu Xaqsoor u heelan yahay arrinta midnimadda, sidaa awgeed ayaan mudnaanta siinayaa XAQSOOR iyo kuwa kale ee ogolba.

S: Waxa jira in guddida Diiwaangelinta ururada Siyaasadda ay bilaabeen kormeer Diiwaangelin madax taabasho ah, halkee buu kaga jiraa ururkan XAQSOOR ilaa hadda natiijadii ka soo baxay kormeerkaasi?

J: Wararka naga soo gaadhayaa ilaa imika ururka XAQSOOR inuu xaga hore kaga jiro tartankaa ururada loo qabtay ee ah in kun qof urur kastaa keeno ee Boorame ka bilaabmay, inta soo socotana waxaan rajaynayaa in sidaas oo kale xaga hore ay ka galaan iyaga iyo ururada kale ee midnimada ummadda u heelan ee jecel ayaan rajaynaya inay soo baxaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.