WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia December 21, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha xukuumadda federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maseeyay heerka qabyaaladeed ee yaalla dalalka Somaliland iyo Somalia, waxaanu sidaas ka sheegay mar uu ka hadlayay Munaasibad lagu qabtay magaalada Muqdisho taas oo ku saabsanayd shirkii dhalinyarada Somalia oo la soo gabagabeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uu ku dooday inaanay Somaliland gudaheedu midaysnayn, isagoo sidoo kale sheegay in qabyalaadi kala fogeysay shicibka.
Xasan Sheekh Oo MaseeyayXasan Sheekh ayaa ku dooday in masuuliyaddiisa koowaad ay tahay wax uu ugu yeedhay midaynta Somalia, waxana hadalkiisu uu u dhignaa sidan “Mas’uuliyadda koobaad ee i saaran aniga waxaa weeye in dalka Soomaaliya la yidhaa uu midoobo, hal dowlada yeesho, si kastoo ay u qadhaadhahay, ayaa waxa dadka isku heynaya waxay aniga ii yihiin waxa aan mar kasta muhiimadda siinayo oo aan ka shaqeynayo”
Xasan Sheekh oo sii hadlaya wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ragaadiyay rabitaan qabiil oo xataa xilalka iyo shaqooyinka lagu raadinayo hab qabiil balse aan tayada qofka la eegayn, isagoo kala daadsanaanta maamulkiisana kula soo galgashay xukuumadda Somaliland. “Midnimada dalka marka la yidhaa waxa laga yaabaa inay dadka ku soo dhacdo midnimada Somaliland iyo dalka intiisa kale, laakiin inta kale dhexdeeda ayaan midaysnayn, Somaliland dhexdeeda ayaan midaysnayn maxaa yeelay cunsurkan qabaliga ah ayaa meel walba yaala, inaan ka soo baxno oon midawno ayaa nalaga rabaa. Wadadaas intaan ka gaadhaynana waa inaan inagoo wada socona gaadhnaa, inagoo 10 wado ku kala socona ma gaadhi karno. Masuuliyadda koowaad ee I saaran aniga waa dalka Somalia oo midooba oo mid ahaada oo hal dawlad yeesha” ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Sidoo kale hadalka Xasan Sheekh wuxuu imanayaa iyadoo dhawaan ergayga IGAD u qaabilsan Somalia canaan kulul u jeediyeen madaxda dalkaas Somalia, isagoo farriintiisa ku sheegay in beesha caalamku ku dawakhsan tahay maamulada tiro beleeyee Somalia kuwaas oo mid kastaa haysto ciidamo iyo hub islamarkaana aanay ka amar qaadanayn xukuumadda Xasan Sheekh. Wuxuu caalamku su’aal galiyay sababta Somalia ugu baahan tahay ciidamada shisheeye islamarkaana wadamada Afrikaanka ahi maalin walba ugu dhintaan, haddiiba Somalia haysato hubkii la isku garaacay dagaalkii Gaalkacayo oo ay sheegeen inay ka yaabeen ciidamadii dagaalamayay iyo hubkii ay isku garaacayeen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.