WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, April 26, 2018, (Saxafi) – Sheekh Xassan Daahir Aweys oo hore uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab islamarkaana laga oo bilaabo sanadkii 2013ka maxbuus u ah dawladda Soomaaliya ayaa fariin uu warbaahinta soo gaadhsiiyay ku weeraray hab dhaqanka iyo dilalka Ururka Al-shabaab.

Fariintan oo soctay ku dhawaad 53 daqiiqo ayuu ku sheegay in wax laga xumaado inay tahay dilalka Ururka Al-shabaab ay kula kacaan Odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo culimada, isaga oo intaa ku darray in tallaabadasi ka dhigan tahay in aan waxba leys dhaamin dhicyada oo dhan. ‘’Wax loo dul qaadan karo ma’aha dilalka dadka aan waxba galabsan, war halkee loo socdaa, meel fayoow ma’laha, Mushtamac ma fiyoowba, Cuqaal ma fiyooba, Cilmi ma fiyooba, Idheer-garad ma fiyooba, waxaas oo dhan waa idinka dartiin, xitaa cibaadadii iyo fidintii dacwada ayaa qalqal ku jirta oo dadku waa wada cabsanayaa, meel leysku aamini karro malaha’’ ayuu yidhi  Xassan Daahir Aweys.

SomlegalAds

Wuxuu sheegay in hab dhanka dilalka ahi aanay aheyn wax sii socon kara, loona baahan yahay in laga waantoobo, waxaana uu Al-shabaab ku tilmaamay dad aan laheyn jiho ay u socdaan.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday qadiyada ku saabsan Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka soo goostay Al-shabaab, ayuu sheegay in Abuu-Masuur uu ahaa qofkii ugu muhiimsanaa ee Ururka ka mid noqda, una suurtagaliyay ayuu yidhi in ay qabsadaan Al-shabaab gobolladii ugu muhiimsanaa dalka. ‘’Bal fiiriya wixii uu Cali Dheere meelaha Caac la lahaa Abuu Masuur ayaa ridoobay ayuu leeyahay, war qofkii iyaga ka horyimaada ma Diinta ayuu ka baxay, xitaa qofkii khilaafada Islaamiga ah ka horyimaada ma diinta ayuu ka baxay, Abuu-Masuur waa shaqsigii suurtagaliyay in Al-shabaab la wareegaan gobollada Baay, Bakool iyo Hiiraan oo la ogyahay wixii Al-shabaab ka qabsaday’’ ayuu yidhi Xassan Daahir Aweys.

Xassan Daahir ayuu sheegay in qofka aan lagu dhaliili karin in uu la macaamilay dad aan muslim aheyn isaga oo yidhi’’ Bal fiiriya waxaa ay leeyihiin Abuu-Masuur Gaalo ayuu la xidhiidhay, waxaa haddii Gaal lala macaamilo ma badilbaa bal eega Caqiida xumada dadka lagu maamulayo’’ ayuu is weydiiyay Xassan Daahir Aweys.

Fariinta Xassan Daahir Aweys ayaa u muuqatay mid uu kaga horyimid hab dhanka Ururka Al-shabaab ee uu mudadda dheer ka soo tirsanaa, laakiin wali ma uu cadeyn mowqifkiisa ku aadan ka mid ahaanshaha Ururka si la mid ah Abuu-Masuur oo sheegay in uu isaga baxay Shan sanno ka hor.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.