WorldRemitAds

“Qaar baa yidhi Xirsi waa nin orod badan oo karti badan muxuu qabanayaa, qaar kalaa yidhi isaga iyo Cabdi Aw Daahir ayaa Burco tegay oo abaabul ka wadda…”Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa, Somaliland, November 5, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shalay si rasmiya xilkii ugala wareegay wasiirkii hore ee madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

SomlegalAds

Munaasibad ka qabsoontay xarunta Qasriga Madaxtooyada ayaa ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul iyo afhayeenka Cusub Xuseen Aadan Cige (Dayr).

Ugu horaynba waxaa halkaasi ka hadlay, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdilahi Xarbi oo ka warbixiyey baaxada iyo culayska ay leedahay wasaarada madaxtooyadu iyo masuuliyiinta kala duwan ee la kala wareegaya Xilalka.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq iyo soo dhawaynta masuuliyiinta cusub waxaana uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan oo la shaqeeyaan wasiirka cusub wasiirkii horena ay Alle uga baryayaan inuu Alle himiladiisa gaadhsiiyo.

Sidoo kale, waxa ka hadlay Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha nabadaynta gobolada bari imikana ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) isaga oo ka war bixiyey wixii u qabsoomay intii uu xilkaasi hayey, kuna wareejiyey Wasiiru-dawlaha cusub ee xilka la wareegay Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab).

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana sheegay inuu maanta wareejinaayo wasaarad isu dheeli tiran oo uu wasiirka cusubi nasiib u yeeshay “Aniguna aan odhan karo wuu igaga nasiib wacan yahay maxaa yeelay markii aan xilkan la wareegayey may jirin wax dhisan oo wasaaradda madaxtooyadda la yidhaahdaa oo aan la wareegay balse maanta waxa aan wareejinayaa Wasaarad dhisan oo ay u dhan yihiin arrimaheedii wasaaradnimo oo qorshaysan”.

Wasiirkii hore Madaxtooyadda ayaa sheegay in hadda laga bilaabo uu dhamaystiri doono saddex buug oo uu noloshiisa iyo isbedelka caalamka ka qoray, isagoo wasiirnimada ka dib wuxuu qaban doono ka hadlaya waxa uu yidhi“Aniga shaqadda iskay uga tagay, laakiin si mutawacnimo ah ayaan idinku caawin doonnaa, shaqo kale oo siyaasadeed imika ma qabanayo, qaar baa yidhi Xirsi waa nin orod badan oo karti badan muxuu qabanayaa, qaar kale ayaa yidhi isaga iyo Cabdi Aw Daahir ayaa Burco tagay oo abaabul ka wadda, waxaan idiin sheegaya ma tagin Burco, wadankayna ka mid tahy oo reerkii baa yaala, waxaana laga yaabaa inaan ka raagay oo muddo iska joogo, laakiin wax dhib ah u tagi maayo, waxaan ka shaqayn doonaa danta guud iyo dantaydda gaarka ah, waxaan waddaa saddex buug oo aan qorayo ayaan dhamaystiri doonaa, middi waa taariikh oo waa waxaan ugu mahad celinayo madaxweyne Siilaanyo oo ah intaad yar-tahay ee aad shaqaynayso inaad taariikhda ururiso, waana aragtidda aan ka faa’iiday isagoo in badan soo shaqaynayey aanay u saamixn inuu dhacdooyinkiisa soo qoro, sidaa darteed si aanu wakhti uga dayacmin aan diyaariyo noloshaydii iyo taariikhdaydii aan qoro, waxa la yidhaa buuga koowaad guushaydii, ka labaad waxa la yidhaa caqabadaha rajadda, kan saddexaad waa halbeega isbedelka, isbedel sidee loo sameeyaa iyo macluumaadkeedda”

Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan sidii madashaas xubnaha ka hadlay ku doodeen inuu ka mid ahaa bud-dhigeyaasha mashruuca ugu weyn ee iskaa wax u qabso ah ee wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkeeda lagu qadaray 370-KM. iyadoo imika 100-km ee ugu horeeyay ee Jidka Ceerigaabo gabo-gabo ku dhow yahay.

Waxa kale oo Wasiirka shaqada ka tagay uu ahaa bay yidhaahdeen masuul yididiilo ku biirin jiray Guddiyadda Bulshadda ee jidadka kala duwan ee dhismahoodu ka socdo Somaliland, sida Jidka dawga Cad ee Waqooyiga Hargeysa, wadada Sallaxley iyo jidka Bali-gubadle iyo sidoo kale Jidka Dila iyo Boorama. Waxa waddooyinkaasi ay ka faa’iidaysteen qorshe uu isagu dejiyay oo ahaa in deegaankii dhista 5-km oo Laami ahba ay dawladdu ugu darayso kharashka shan kiiloo mitir oo abaal marin ah.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isna mahad iyo amaan balaadhan u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mudo lix sano ku dhaw ay soo wada shaqaynayeen kuna tilmaamay inuu yahay hogaamiye lala shaqeeyo ka ugu wanaagsan, isla markaana aanay wax xumaan ah oo xaga shaqadda ah ku kala tagin balse ay ku kala duwanaadeen arrimaha siyaasiga ah iyo mustaqbalkeedda, waxaanu xusay in aanu jeclayn in marna uu wax ka sheego madaxweynaha.

Wasiirka Cusub ee madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku dheeraaday hadalka ayaa u mahadnaqay wasiirkii hore ee madaxtooyada oo uu sheegay wasiirku in ay ahaayeen saaxiibo qotodheer in badana uu kala soo shaqeeyey hawlaha wasaaradda madaxtooyada isna uu ka rajaynaayo inuu sidii iyo si ka sii fiicanba ula shaqayndoono.

Xafladan oo ahayd mid balaadhan waxaa iyana halkaasi xilalkii kula kala wareegay afhayeenkii hore Axmed Saleebaan Dhuxul iyo afhayeenka cusub Mudane Xuseen Deyr, hadalana ka jeediyey munaasibada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.