WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 08, 2018 (Saxafi) – Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Ambassador Maxamed Xasan Cigaal iyo Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale ayaa isku af dhaafay Maansoor Hotel ee magaaladda Hargeysa xalay fiidkii.

Warku ma sheegin wax gacan ka hadal ah oo dhexmaray, balse waxaa la wariyay in labada masuul afku ka xumaaday ka dib markii Safiirku haddal ku soo tuuray xildhibaanka inta uu sheedda ka halacsaday isaga oo ka daba joogay sida loo fasirtay dhaliil uu hore Xildhibaan Bashiir ugu jeediyay hawl qabadka safaaradda Somaliland ku leedahay Ethiopia.

SomlegalAds

Xidhiidh lala sameeyay xildhibaanka ayaa Shabakada wararka Wajaalenews waxaa uu u xaqiijiyay in ay arintani jirto islamarkaana uu safiirku si qaawan u soo weeraray, waxana uu yidhi “Arintaasi way jirtaa oo aniga oo huteelka Maansoor dhex socda ayuun buun meel gaaban igaga qayliyay Ninkaa safiirka ahi isagoo ku dhawaaqaya ereyo cay ah.”

Laakiin, tan badalkeedda Safiirku kama hadal, maadaama waqti fiid ah ay dhacday arrintani, suurta galna ma ay noqon in lala xidhiidho si uu isu difaaco eedda weerarka ee loo jeediyay.

Masuuliyiinta xilalka kala duwan haysa ayaa inta badan loo jeediyaa inay muujiyaan dul-qaad ay xattaa kaga sarriigan karraan meel ka dhacyadda loo geysto iyaggoo jawaabi karra, masuuliyadda ay hayaan oo marar badan keenaysa awgeed.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.