WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland August 1, 2016 (Saxafi) – Maamulka kooxda fanaaniinta loo yaqaan Xidigaha Geeska, ayaa beeniyey warar mudooyinkan dambe ay qaar warbaahinta ka tirsani baahiyeen, isla markaana ay sheegeen inay u ololaynayaan Soomaali weyn kuna tilmaameen warar aan sal iyo raad toona lahayn.

Munaasibad qaddo sharaf loo sameeyey kooxda fanaaniinta Xidigaha Geeska Afrika oo uu u sameeyey xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi shalay hoteel Summer time ee magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Maxamed Maxamuud Cige, Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdi Axmed Jaamac, xildhibaan Ismaaciil Cago yare, gudoomiyaha kooxda xidagaha geeska Axmed-Furinle, waxaana ugu horeyn munaasibadan ka hadlay afhayeenka kooxda Xidigaha Geeska Afrika Cabdiraxman Cismaan Cumar Al Nuur Xaaji isago ka warbixiyey ujeedada casuumada ah ee qado sharafta ah ay xambaarsan tahay, islamarkaana uga digey dadyowga sida khaldan u adeegsada magacyada fanaaniinta kooxda baraha bulshada ay ku kulanto isago oo  ku tilmaamay in ay fadqalalo ka dhex wadan kooxda.

“Wakhtiyada munaasibadaha qaranka uu leeyahay iyago meel kasta ay joogaan ay isugu yimaadaan sida wakhtiyada ciidaha ayaa xildhibaanku  fanaaniintii oo intoodda badan ku sugan yihiin magaaladda Hargeysa ayuu marti qaadkan u fidiyey, waxana wakhti xaadirkan kulankan ku sugan kooxdii oo dhan iyadoo qaar ay muujineyeen nux-nux yar oo la islahadal hayey in ay kooxdii ay yar kala maqan tahay ayaanu idin sheegayna maanta (shalay) waata ay wada joogaan. Waxa aanu ognahay warbaahintu faa’ido badan ay leedahay mushaakiil badan way leedahay, faa’ido badan bay leeyihiin oo faanka horumarintisu warbaahintu qayb bay ka mid tahay oo in farriinta fanaanka oo gabay ahaate ama wacyigelin ha noqote inay meel shishaysa si sahlan ay ku gaadho ayey ka qayb tahay, sidoo kalena in war aan jirin oo meel fog gaadha ayey ka qayb qaadata,khaasatan baraha bulshada sida Facebuuga oo dadyow cadaystay inay samaystan magacyada fanaanintan oo ujeedoyin u isticmaala aan ka suurtobin fanaaninta haday tahay inay baraabangda ay ku faafiyaan  ama wax aan uu qaalmin magaca iyo sharafta qofkan fanaanka ah odhahda qofka afkiisa ka soo baxda aan ahayn.

SomlegalAds

Maanta wixii ka dambeyaa kooxda Xidigaha Geeska Afrika waxa aanu ku wada xisaabtamayna oo bulshadeena u gudbinayna muuqaal oo muqaalku been ma sheego qofku marka uu farriintiisa uu gudbinayo oo muqaal ku soo gudbiyo meesha uu doono ha ka soo gudbiyo waa qofkii oo hebel aad garaneysid, lakinse haddii qofkii magic keliya ah oo sawirkiina la soo dhigto ah oo aad ku qanacdo waxa laga yaaba in warar badan ku soo gaadhan oo xaqiiqda ka fog.”ayuu yidhi afhayeenka kooxda xidigaha geeska Afrika Cabdiraxman Xaji.

Xildhibaan Ismaacil Jaamac Xirsi (Cagoyare) oo ahaa qofka munaasibada casuumada ah u fidiyey kooxda fanaaniinta ee Xidigaha Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdani ay muddo shan sanadood dhisnayd, isla markaana ka hor intan aanu isagu xildhiban noqon ay aqoon isku lahaayeen isago sheegay in dhismaha kooxdan uu ka mid yahay rukunadii ugu horeeyey kooxda Xidigaha Geeska Afrika, waxana hadalka xildhibaaan Cagayare u dhigna sidan “Kooxda Xidigaha Geeska magac ahaan muddo shan sanadood ku dhow ayey dhisnayd, isku keenida ama abuurkeeda intii ugu badnayd maanta (shalay) way fadhidaa. Anigu Ismaacil Jaamac Xirsi ahaan muddadii xildhibaanimada ka horeysay rukunadii ugu horeysay ee dhisay kana midka ahaa ayaan ahaa, hase ahaate ninkaa Axmed Weli Ibraahin Furiinle dee 1998 ilaa maanta ayaanu saaxiibo ahayn, dadka qaarkood ayaa uu haysta intaan xildhibaanimada in aanu is baraney.  Axmed baa inoo yimid oo waxaan idhi hooyaddii fanku malaha way seexatay oo Cayduruus baa iga markhaati ahaa markii uu joogay Horn Cable TV, marka uu yimid ayaan Axmed ku yidhi malaha beryahan hooyadii fanka Hargeysa way seexatay diiriya yimid oo diiriyihii way dhacday waa sida kooxda Xidigaha Geeska ku abuurmeen. Kooxduna way jirta wayna jiri doonta intoodii waa tan, laakinse waa la kala nasiib badan yahow Somaliland bulshadeeda nasiib badan oo faaka jecel, laakinse dowladeedu tii fanka uu lahaa kamay helin. Madaxweynaha kililka shanaad ee Itoobiya isaga fanka jecel oo bulshadiisu ma jecla isaga tixgeliya fanaaniinta. Waxa aanu ku filayna kuwa Somaliland iyagoo naga madhnayn sida wasiirka maaliyadda, madaxtooyada iyo wasiirka warfaafinta iyo xanaanada xoolaha ah oo ragi dhidhibada u aasay ahaa oo ka geystay xidigaha geeska ka mid ah baa jira, waxa kale oo aanu usoo jeedinaya ganacsatada reer Somaliland mid baanu ka leenahayo oo ninka la yidha Cabdiraxman Al Nuur baanu ka leenahay oo wax walba la garab taagan kooxda.  In iyaguna ay ku daydaan Cabdiraxman baanu jecel nahay oo haddii arrin kooxdu uga baahato wa noola diyaar, Cabdiraxman waanu u mahadnaqayna waliba isago saxaafad ka sheega muu odhan wax wanaagsan bu u balan qaaday, wixiina waa nala diyaar oo uu kooxda uu ballan qaaday.”

Abwaan Axmed Saleeban Bide oo ka mid ah abwaaninta waa-weyne ee reer Somaliland iyo guud ahaan dhulka inta afka Soomaaliga ku hadasha laga yaqaan ayaa isna hadal waano iyo dardaaran wayeelnimo usoo jeediyee fanaaniinta kooxda xidigaha Geeska Afrika isago tuusale dhacdooyin kala duwan soo maray wakhtiyadii hore ee fanka, waxana hadalkisu uu dhigna sidan “Fanaanku waa in uu ogaada in uu ka magaac weyn yahay madaxweynaha, baarlamaanka iyo golaha deegaanka ba uu ka wada magac weyn yahay. Laakinse, waxa aanu ku tegayna mid aan u maleynayo  in uu ilaahay inagu naxarisanyo. Waayoo, fanaanku wuxu jecel yahay nabada, wuxu jecel yahay wada-jirka, wuxu jecel yahay raaxada, wuxu jecel yahay horumarka  iyo wuxu jecel yahay wada noolashaha iyo gobonimada dhisaan. Xidigaha markii ay soo baxeen waxa aanu isnidhi war waa-maxay dhalinyaradan yar yar ee hadlaysa baa la yidhi, oo maxay qabaneyaan waaba yar yar kuwani waar dee way ina walaayaan malaha. Waxa aan ninka ka maqlaye ninkaasina uu marag furey oo ay isku raaceen ana inta aan dhegaystay aan ku raacay, in ay yidhaahdeen anaga wadna waa caruurtayadii.”

Ka dibna waxa soo gabogabeeyey gudoomiyaha xidagaha Geeska Axmed Wali Ibraahim Furinle oo sheegay in fanaaniintu midaysan yihiin, isla markaana wax kala jab iyo wax kala riixasho ku jirin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.