WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 23, 2015 (Saxafi)- Muwaadinad u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Bristol ee dalka Ingrisiiska Marwo Hibaaq Jaamac, ayaa shalay booqasho ku tagtay xarunta dhexe ee xisbal-xaakimka KULMIYE ee caasimadda Hargeysa.

Xildhibaan Hibaaq Jaamac oo dhawaan socdaal ku timi Somaliland, ayaa iyadoo ay wehelinayeen xubno waalidkeed iyo qaraabadeed ka mid ahi ay tagtay xarunta xisbiga KULMIYE gelinkii hore ee shalay, halkaas oo hoggaanka iyo hawladeennada xisbigu si wayn ugu soo dhaweeyeen, una muujiyeen qalbi-furnaan iyo dhiirrigelin ku wajahan dalkeeda hooyo ee ay dib ugu soo laabatay.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa farxad iyo qiimo wayn ku tilmaamay booqashada Xildhibaan Hibaaq oo uu sheegay inay door wayn ka qaadatay aqoonsigii golaha deegaanka Shefield siiyeen madaxbannaanida Somaliland sannadkii 2014-kii.

SomlegalAds

“Xildhibaan Hibaaq waxay dalkeeda u timi inay soo booqato dalkeeda oo ay eegto dawladaha hoose iyo goobaha waxbarashada, iyadu xisbi walba (axsaabta Somaliland) way ka tirsan tahay, bulsho kastoo reer Somaliland ahna way ka tirsan tahay, markaa aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaannu shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska, gaar ahaan deegaanka Bristol ka codsaday inay Marwo Hibaaq gaadhsiiyaan inay ka mid noqoto Golaha Baarlamanka guud ee dalkaasi, maadaama ay calanka Jamhuuriyadda Somaliland markii u horreysa ka dhex ka taagtay Boqortooyada UK.

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka heer Qaran ee KULMIYE Marwo Dalays Faarax Shire iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Garabka Haweenka xisbiga Marwo Xusni Maxamed, ayaa iyaguna erayo soo dhawayn iyo bogaadin ah ku qaabilay xildhibaan Hibaaq oo ay u hogo-tusaaleeyeen xaaladda dalkeeda hooyo uu joogo iyo kaalinta haweenku ku leeyihiin horumarka iyo saaxadda siyaasaddaba.

Ugu dambayntii, Xildhibaan Hibaaq Jaamac oo hadal ka jeedisay madasha lagu qaabilay ee xisbiga KULMIYE, ayaa si wayn ugu mahadnaqday hoggaanka, hawlwadeennada iyo dadka kale ee soo dhaweeyey oo ay xustay in aanay marnaba filayn inay la kulmayso dad sidan u fara badan oo madax iyo mijaba leh oo ku midoobay jacaylkeeda ama taageeradeeda.

Marwo Hibaaq waxay faahfaahisay golaha deegaanka Bristol ee ay xildhibaanka ka tahay iyo doorkii ay ku lahayd aqoonsigii mudanayaasha deegaanka Shefield siiyeen Somaliland, waxaanay tidhi, “Sidaa la idiin sheegay anigu golaha deegaanka Bristol baan xildhibaan ka ahay, calanka Somaliland-na waan taagay iyadoon hore dalka Ingiriiska looga sharfin calanka Somaliland, ujeeddada ka dambaysay ee aan ugu dhaqaaqay arrintaasina waxa ka mid ahaa, sannad bay ku buuxday intii aan xildhibaanka ka ahaa Ingiriiska, anigoo arkay in qaran kasta dunida ah maalintooda la xuso oo calankooda la sharfo oo la gartay inay yihiin ummad taariikh iyaga u gaar ah leh, markaa sidaas si le’eg ayaan aniguna u doonay Somaliland inay hesho. Haseyeeshee, waxa jira in hadal badani igaga yimi oo la yidhi Hibaaq ummaddii Soomaaliyeed bay kala qaybisay, laakiin Somaliland waa waddan jira oo jinsiyad gaar ah leh, waana in adduunyada meel kastoo aynu joognaba kor u qaadno magaceeda, taasi maaha mid anigu aan ka xishoonayo ama aan dadayo oo aan doonayo in aan ka fogaado. Alxamdullilaah wax wanaagsan oo aannu samaynay ayey ahayd aqoonsigii Somaliland, waana nalagu dayday oo waa nalaga dabaqaaday, in shacabka reer Somaliland si wayn ugu farxaana waxay aniga i galisay dareen wanaagsan.”

Waxa kaloo ay ka hadashay ujeeddada socdaalkeeda iyo xidhiidhka danaha labada waddanka, gaar ahaan dhanka ammaanka, “Somaliland waxaan u imi in aan aad u eego meelaha god-daloolooyinka ka jiraan oo aan idinkala shaqeeyo wixii daldaloolkaa buuxin lahaa, haddii aannu nahay dawladda Ingiriiska iyo dawlaha hoose ee dalkaasi annaga dan baa noogu jirta in Somaliland nabadgalyada ay haysato maanta aannu wax ugu sii darno oo aannu garab-istaagno, waayo waynu la soconaa dunida iyo dalal badan dhibaatada ka jirta, nabadgalyana maanta waa waxa ugu qaalisan, waana ta aad haysaan (Somaliland), markaa waxaan idin odhan lahaa halkaa ka sii wada,” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Xildhibaan Hibaaq Jaamac.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.