WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 1, 2015 (Saxafi) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudaneyaasha golaha Wakiiladda, isla markaana ka mid ah xildhibaanka kali ah ee ku hadhay xisbiga UCID ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka kalla erdheeyey Guddoomiyaha iyo musharaxa xisbigaasi.

Xildhibaan Qabile ayaa sheegay inay baadhayaan cidda khilaafkan ka dambaysay ee dannaha gaarka ah ka leh xisbiga, waxaanu ku baaqay in dhinacyadda is hayaa warbaahinta ka joojiyaan hadaladda hawadda isku marinayaan.
Xildhibaan QabileUgu horeyn Xildhibaan Qabile oo ka hadlayey sida uu arko khilaafka UCID waxa uu yidhi“Sida xarun walba ama Institution kasta oo qaran dowlad ahaan ama xisbi ahaan ama ururo bulsho ha noqdaan dhamaantood waxa ay leeyihiin sharci, horta anigu impunity (Xisaabtan la’aan) ayaan u tudhanayoo wax u xeer lambar 14, sheegaya in xildhibaanku lixda bilood ee u dambeeya uu xisbi kale u wareegi karo, maadaama oo xildhibaan sharci dejinta ah aan ahaa taariikhdeedda ayay madhxin u ahayd oo sharaf ayay ii ahayd inaan xisbiga kaligay ku hadho, xilligaa duruufo adag ayaa xisbiga la soo gudboonaaday,xisbiyagii iyo saaxiibaday waxay u kala jabeen laba, aniguna xildhibaanaddii golaha wakiillada ee 2005-kii ka soo baxay xisbiga UCID 21 baanu ahayn, Khadar Ambasodor oo isagu golaha iskaga tagay oo meelna ku cadeyn xisbiga uu tagay mooyee sagaal iyo tobankii kaleba xisbiga way ka wareegeen, khilaafka maalintaasi dhacay maanta wuu ka duwan yahay. UCID guddo iyo dibad waxa ay mashquul ku tahay meesha lagaga yimid oo si mug leh loo baadho, saamayn balaadhan ayay yeelatay intii ugu tunka weynayd xisbiga ee gudaha dalka joogtay ama dibada joogtay arrin qaran ayey u bedeshay, Hase yeeshe, dhiiraan-dhirin iyo taxadir waxa ku wadda bahdweynta UCID iyo xisbiga taageerayaashiisa, xisbiga qof ma lahaa anigoon Faysalna ku xad-gudbayn murashaxiintana ku xad-gudbayn xisbigu waa xisbi qaran oo qaranka oo dhami wada leeyahay, waxa uu xisbigu ku soo baxay xildhibaanaddii golaha deegaanka oo tacab badan galiyey, marka ha la baadho cidii khilaafka xisbiga galisay.”
“Waxaan is waydiinayaa khilaafka cida abuurtay ma mid dibadeedbaa, ma xisbiga dhexdiisa uun baa anigoon ka hor dhacayn, kana mid ahaa raga waayo araga ah ee mudadda badan ku jiray xisbiga, waxaan rajaynayaa in toddobaadyadda soo socda la dhamayn doonno, waxaana ugu baaqayaa in inta lagu jiro wada hadalkaasi in warbaahinta laga hadlayaa istaagto, waana arrin foolxumo siyaasadeed ku ah taageerayaasha xisbiga Ucid” ayuu Xildhibaan Maxamed Qabile hadalkiisa raaciyey.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.