WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 30, 2015 (Saxafi) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah Musharaxiinta damacu ka hayay Tartanka Xisbiga KULMIYE ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo ka raali galiyay weedho qadaf ku aha, kuwaas oo ay sheegeen inuu si aan ku talo gal ahayn uga soo yeedhay labadan Masuul.

Xildhibaanadan oo si kala gooniya ula hadlay Saxaafadda ayaa raali galin mugleh u diray Madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Dheere iyo KijaandheUgu horeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi. “Waxaan doonaya inaan halkan ka saxo hadal aanan u qastiyin oo si kama ah ama aan ku talo gal ahayn iiga baxay, kaas oo aha Weedho aan u cuntamin Madaxweynaha. Runtii Madaxweyne Axmed Silaanyo ixtiraam iyo qadarin ayaan u haya, waxaan kamid ahay dadka Tariikhda dheer la wadagaa, marxalad kastana sharaf iyo karaamo ayaan u hayay, marka xaal iyo raali galin ayaan ka sii naya hadalkaas wuxuu aha mid xaraarada Siyaasaddu sabab u ahay, maadaama hadda aanu dhaliilsanahay qaabka Shirka Golaha dhexe loo agaasimay, taas anoo ka hadlaaya ayuu xayraanku ila jiidhay markale iyo boqol jeerba hadalkaas waan saxaya wax aan xushmad iyo wanaag ahayna uma hayo Madaxweynaha.” Sidaa waxaa hadalkiisa ku soo gebo gabeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

SomlegalAds

Geesta kale Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna raali galin taas la mid ah ka bixinayaa weedho kakan oo ku jiray Hadal uu shalay saxaafadda siiyay, ayaa yidhi. “Waan ka raali galinaaya Madaxweynaha wixii aan u cuntamin ee xanaaqu naga keeno, runtii arrin adag weeye Markaad Musharax tahay ee Xisbigaad u soo halgantay ka tahay ee haddana aad Cadaalad ka dhex arki weydaan adiga iyo Tageerayaashaduba, taas uunba xayraanka keentay laakiin Madaxweynuhu waa Saaxiibkay, KULMIYE waanu wada aasaasnay, intii dawladdu jirtayna waan barbar taagna dee wixii aan ka filanaayay hadda ka hadli maayo laakiin hadalkaas ama weedhaas isaga iyo cidii dhibsatayba waan ka raali galinaya.”.

Xaraarada iyo Muranka Xisbiga KULMIYE oo hadda maraaya meel xaasaasi ah, ayaa siyaasiyiinta Khilaafku ka dhaxeeyo ee Xisbul Xaakimka waxa maal mihii u danbeeyay laga arkaayay kala durugsanaan xoogan, balse raaligalinta Madaxweynaha ee  labadan Masuul oo ka mid ah Garabka Mushraxiinta iyo Wasiiradii Iscasilay, waxay cadayn u noqonaysa in aanu khilaafku u dhaxaynin Madaxweynaha iyo xubnaha KULMIYE balse ay si weyn isu hayaan labada Garab ee ay kala Hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga iyo  Labadiisa ku-xigeen oo kaashanaya saddexda Musharax ee Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.