WorldRemitAds

Gabiley, Somaliland,  March 15, 2012,(Saxafi) – Golaha Deegaanka ee degmadda Gabiley ayaa shalay fadhi aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta dawladda Hoose waxay cod aqlabiyad ah ugu doorteen Eng. Axmed Muxumed Qaalib inuu noqdo maayarka cusub ee magaaladda Gabiley.

Fadhigii Golaha deegaanka Gabiley oo ay gudoominaysay Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh, waxa ka soo xaadiray 17 Xildhibaan oo ka mid ah 21 ka Xubnood ee Golaha deegaanka Gabilay ka kooban yahay. Waxa kale oo fadhigaasi goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Gabilay iyo saraakiil ka socday wasaaradda daakhiliga. Iyadda oo sidda uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolkaasi ay madasha shirku ka dhacayay hordhoobnaayeen dadweyne badan oo ay ka muuqatay in ay diidanyihiin dagaalka lagu qaaday Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ah haweenayda kalli ah eek u jirta golahaasi.

Maayarkii hore ee Magaaladda Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh oo gudoominaysay shirkan shalay ayaa sheegtay inay muddo ahayd ku simaha maayarka isla markaana ay soo dhaweynayso in fadhigu qabsoomo oo lagu doorto Maayar cusub.

SomlegalAds

Shirka ay dibada ku sii galeen laba iyo tobankii xildhibaan ee la xidhay ayaa ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen marka laga reebo cuqaal mid iyo laba ah iyo siyaasiin ka tirsan ururka Jamhuuriga iyo xisbiga Udub waxaanay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhawaa kullankaasi ama la socday shirkaa in ugu horayn dhaar iyo xilo-fur laga qaaday laba iyo tobankii xildhibaan ee la xidhay oo afar ka midi Maayaro soo mareen, dhaartaa iyo xilo-furkaa oo lagu adkaynayay isku duubnidooda iyo midnimadooda,   waxaana laba iyo tobankii xildhibaan murashaxiin ka dhex noqday inta aan madasha shirka la imman afar mudane oo dhex-dooda doorasho ka qabtay. Warku waxaa uu sheegay in Afartaas xubnood ay u codeeyeen laba iyo tobankii kuwaas oo la sheegay inay kalla heleen siddan:

Maxamed Muxumed Nuur (Laanloobar)  =(0)

Maxamed Xasan Meecaad Ciro =(0)

Ibraahin Axmad Xasan Sangal=(3)

Axmed Muxumed Qaalib (Axmed samir)=(5).

Warku waxa uu intaas ku daray oo ay xaqiijiyeen illo wareedyada ka ag dhawaa shirkaas hore in guriga shirkani ka socday iyo shirka dhexdiisaba uu ahaa mid wax raada aanu ku lahayn xisbul xaakimka Kulmiye iyo xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, halka ay kaalin fir fircoon ku lahaayeen ururka Jamhuuriga iyo xisbiga Udub, inkastoo maayarka cusub ee degmada Gabiley uu mudo laba bilood laga joogo ku magacawnaa xoghayha ururka NDB. Waxaana xubnahaas la xidhay isku soo raaceen iyaga oo isku raacsan inay sharaxaan Axmed Muxumed Qaalib.

Dhinaca kale, hoolka shirarka golaha deegaanka ee codayntu ka dhacaysay ayaa muran hadheeyay dhanka sharciga ahi markii ay ku dooday Maayar Khadra X. Gaydh in aanu mudane Aadan Muxumed Bade aanu codayn xaq u lahayn, maadaama xasaanadii laga qaaday, iyaddoo mr Aadana ku adkaystay inuu codaynayo. Arrintan ayaa la wariyay in ay dhalisay muran dhexmaray Mr Aadan iyo badhasaabka gobolka Gabiley oo meel addag gaadhay, iyadoo maayar Khadra X. Gaydhna dibada uga baxday hoolka shirarka golaha deegaanka Gabiley. waan waan la galay ka dib, waxaa la sheegay in lagu qanciyay maayar Khadra in la codeeyo, iyaddoo ku dhawaaqday su’aal ay ku weydiisay mudanayaasha inta Xildhibaan ee sharaxan waxaan gacanta taagay xildhibaan Axmed Muxumed Qaalib (Axmed Samir)

Fadhigan oo ku qabsoomay jawi degan waxa 16 Xildhibaan ay u codeeyeen in Maayarka cusub ee Gabilay ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadaasi uu noqdo, Axmed Muxumed Qaalib.

Waxa kale oo fadhigan ay mudaneyaasha Golaha deegaanka Gabiley ay cod aqlabiyad ah xasaanadii dib ugu soo celiyeen Maayarkii hore ee Gabiley Aadan Muxumed Badde oo sagaal bilood ka hor xasaanadii laga qaaday ka dib markii Hanti-dhawrka guud ku eedeeyay inuu ku tagri-falay hanta qaran.

Waxaana ogolaaday dhammaan Mudaneyaashii halkaasi fadhiyay oo tiradoodu dhamayd 16 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna may codayn.

Maayarka cusub ee degmada Gabiley Axmed Muxumed Qaalib ayaa hadal uu ka jeediyay madashaas ku hanbalyeeyay maayarkii hore wax qabadkii ay ku talaabsatay ,waxaanu balan qaaday inuu halkaa ka sii wadi doono.

Waxaa isaguna madashaas ka hadlay badhasaabka gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan isagoo maayarka cusub ugu duceeyay inuu ilaahay xilkaa culus u fududeeyo waxaanu daaha ka qaaday inuu soo dhawaynayo wada shaqayn fiicana la yeelan doono.

Sidoo kale waxaa madashaas ka hadlay boqor Muxumed Geele Seed, waxaanu yidhi. “Kuwii na lahaa waa kuwaa tuugtii iyo waxba dooran garan maayaan waxaan leeyahay tuugtii bay gacantooda ku jirtaa iyagaa hogaaminaya, iyagaana idiin talinaaya,”

Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, oo hadda ah Maayar Ku Xigeenka magaaladaasi ayaa hadal kooban oo ay ka jeedisay gabo-gabadii fadhigaasi waxay ku bogaadisay iyana maayarka cusub.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.