WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 20, 2018 (Saxafi) – Xildhibaanada Golaha deegaanka ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa shalay kalfadhigoodii ku meelmariyey miisaaniyadda golahoodda ee sannadka 2019-ka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Kalfadhigan golaha deegaanka ee caasimadda ayaa waxa shir gudoominayey guddoomiyaha golaha deegaanka ahna maayarka Hargeysa, Md: Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sotelko, waxaana soo xaadirey 18 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa loo qaybiyey ajandaha kalfadhiga oo ka kooban qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Miisaaniyada dawlada hoose, ansixinta Parinkin lacagta ah, ka wada hadalka hawlaha dhulka banaan, ardiyada dhulka banaan iyo banaynta seesaska ku dhismay bilaa sharciga.

Dood dheer kadib waxa la ansixiyey ajandaha kalfadhiga 20aad ee golaha deegaanka Hargeysa, waxana la gudda gallay in qodob qodob looga doodo, waxaana miisaaniyada golaha deegaanka Hargeysa ka war bixiyey gudoomiyaha  guddida dhaqaalaha ee xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax, waxaanu sheegay in miisaaniyada  sanadkan xooga la saaray adeega asaasiga ah, sida  caafimaadka, biyaha, garoomada ciyaaraha, waxbarashada, jidadka, malcaamadaha, nabadgalyadda iyo saldhigyo la kordhiyo.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Xildhibaan Wayrax ayaa sheegay inay miisaaniyaddu dhan tahay lix iyo sideetan milyan oo dollar, taas oo noqonaysa miisaanidii ugu wanaagsanayd ee golaha soo mara.

“Miisaaniyadani waxay tahay lix iyo sideetaan milyan (86 milyan dollar) , waxaana lagu qabanayaa hawlo badan oo ay ka mid yihiin adeeg bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, jidadka, garoomo lagu ciyaaro, malcaamado, nabadgalyada,  waana miisaaniyadii ugu wanaagsanayd  ee golaheena la keeno”ayuu yidhi xildhibaan Wayrax.

Warbixintaasi ka dib xildhibaanadu way ka doodeen, waxaana loo qaaday cod, waxaana meel mariyey 18 xildhibaan, gudoomiyuhuna ma codeyn, sidaas ayey ku meel martay miisaaniyadii dawlada hoose ee Hargeysa.

Sidoo kale, waxa laga dooday qodobadii kale, halka maalmaha kalena sii socon doono doodda qodobada ajanduhu ka kooban yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.