WorldRemitAds
Nairobi, Kenya, December 11, 2015 (Saxafi) – Senator-ka magaalada Mandheera, Billoow Aadan Kerrow iyo xildhibaanno ka tirsan mudanayaasha laga soo doortay gobolkaas, ayaa la sheegay in lagu xidhay Magaalada Nairobi xilli ay ka soo laabteen magaalada Mandheera.

Afartan masuul, ayaa xadhigooda lagu sheegay inuu ku salaysan yahay sheegidda xabaalo wadareed dhawaan la Tilmaamay in laga helay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, laakiin, ay markii dambe Ciidamada Bilaysku sheegeen in wax Meydad ah aanan laga helin markii la qoday.
Senatorka NairobiCiidamada booliiska Nairobi, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Flying Squad-ka, ayaa xidhay masuuliyiintan xilli ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi, iyagoo ka soo laabtay magaalada Mandheera.
Booliiska, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in labo ka mid ah saddexda xildhibaan ee la xidhay ay yihiin xildhibaanada laga soo kala doortay galbeedka iyo bariga magaalada Mandheera.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mas’uuliyiintan la geeyay xarunta dambi-badhista Nairobi, si su’aalo looga weydiiyo hadalo ay hore u sheegeen oo ku saabsanaa xabaal-wadareed-yadii Mandheera lagu sheegay, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in laga yaabo in Senator-ka uu ka soo hor-muuqdo Maxkamad.
Xadhigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan uu Senator Billow Kerow raalli-galin ka bixiyay hadalo uu ka sheegay Xabaalo wadareedyo labA maalmood ka hor laga sheegay in lagu arkay duleedka Magaalada Mandheera ee Gobalka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.