WorldRemitAds

Burco, Somaliland, July 19, 2018 (Saxafi) – Xubno isugu jira aqoon yahano, qurbe joog iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Burco oo dhamaantoodba ka soo jeedda gobolka Togdheer ayaa si buuxda u soo dhaweeyay ergadda nabadaynta ee beelaha Ceel-Afweyn.

Waxaanay sidoo kalle taageereen guddiga culimadda, madax dhaqameed iyo waxgaradka isugu jira ee ka shaqaynaya ama hawshaasi loo xilsaaray oo ay ku tilmaameen in ay yihiin hal-doorkii Somaliland, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in labadda beelood ay aqbalaan go’aankoodda.

SomlegalAds

Xubnahaasi oo shalay si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Burco waxa kaloo ay sheegeen in guud ahaanba bulshadda gobolka Togdheer iyagoo isku duuban in ay si isku mida uga damqanayaan dhibaatadda beelahaas walaalaha ah u dhaxaysa.

Badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Maxamed Yuusuf Ubaxle, oo ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa’id qabtay oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi “Umada dhibaataysan ee isku haysata Ceel-Afweyn, ka reer Togdheer ahaan aad iyo aad ayaanu ugu damqanaynaa oo waa ehelkayagii.

Culimadii geyiga Somaliland ugu caansanayd oo uu ugu da’weyn yahay sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali  Jawhar, kana mid yihiin Sheekh Ismaaciil Dheeg, oo uu ka mid yahay Sheekh Dirir, madax dhaqameedka, salaadiinta iyo cuqaasha ay xukuumaddu soo xushay, ee qaranka il ku hayaankiisii ah, way idinla joogaan maanta. ILLAAHAY (SWT) waxaanu idiinka baryaynaa in maanta dhibaatadiinii ay halkaa ku dhamaato”.

Sidoo kale Maxamed Ubaxle, ayaa xukuumadda talladda haysa ku amaanay kaalinta muuqata ee ay deminta colaadaasi ka qaadatay iyo sida hagar la’aanta ah ee maalintii ay dhibaatadu bilaabantay   ilaa maanta ciidamadda u dhex dhigtay.

“Xukuumada-na waxaan leeyahay faraska waxaa Usha loogu dhuftaa orodka ha kordhiyo, dedaalka laba jibaarra ayaanu markaana idin lahayn imikana idin leenahay. Laakiin waxay qabatay way muuqdaan, maalintii ay bilaabantay ilaa imika ragg baa kala dhex taagan askar ah, xukuumada-na waan ku hambalyaynayaa doorkii ay lahayd in ay qaadatay.

Waxaan halkan baaq dheer uga diraynaa anagoo dhamaantayo reer Burco ah, beelaha dirirtu dhex martay, ee isku dhoonka ah, ee isku noolka ah, ee dhalasho dhaafay, ee xidid iyo tolnimaba dhaafay, waa isku dhoon, waa sida geedka iyo Dun-dunta isku baxa. Waxaanan leeyahay ILLAAHAY bogiina burcad ha isku mariyo”ayuu yidhi badhasaab ku xigeenkii hore ee Togdheer.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco kana mid ahaa xubnaha shirka jaraa’id qabtay oo halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ku amaanay ergadda uu hawsha nabadaynta beelahaasi u xulay.

Waxaanu yidhi “Ugu horayn waxaan bogaadinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo isagu soo xulay ergooyin ilaa lixdameeyo ah, oo hawsha deminta colaadda beelahaasi iyo nabadayntoodda u soo xulay.  Waxaananu bogaadinaynaa cid kastoo dedaal iyo wakhti ku bixisay nabadaynta beelahaasi.

Haddii ay tahay cuqaasha, salaadiinta iyo boqoradda Burco ka tegay, iyo kuwii ka yimid Hargaysa ee xidhaha u ahaa labadda reer ee dirirtu dhexmartay”.

Waxa kaloo uu xildhibaan Bidhi u mahad naqay weftiga ka socday xukuumadda ee uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenku ee nabadaynta beelahaasi ka qayb qaadanaya. Waxaanu ALLE ka baryay in shirkaasi ay ka soo baxdo nabad waarta.

“Waxa kaloo aanu u mahad naqayaa weftigii uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenku ee ay ka midka ahaayeen wasiirradu, iyagana waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin hawsha aad qabanaysaan. Waxaan ILLAAHAY (SWT) ka baryaynaa in maanta halkaasi nabad waarta, oo aanay wax danbe ka soo noqon ay ka dhalato.

Haddii aanu nahay reer Burco, waxaanu jecel nahay in dadkaa walaalaha ah ay heshiiyaan, waanan ka xunahay wixii dhacay”ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Geesta kale Aadan Cali, oo ka mid ahaa xubnihii qurbe jooga ahaa ee shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirka nabadaynta  beelaha ee ka socda Ceel-Afweyn, isagoo ALLE ka baryay in hawshaasi ay ku soo dhamaato nabad gelyo.

Waxaanu yidhi “Waxaanu ILLAAHAY ka baryaynaa in hawshaasi inoogu dhamaato si khayr ah, waanan u soo ducaynaynaa, intayada halkan jooga iyo dhamaanba reer Burco oo dhan”.

Sidoo kale, Cabdifataax Siciid Shaluu-maray iyo xubno kaloo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodba si isku mida u soo dhaweeyay shirka nabadaynta beelaha ee ka socda Ceel-Afweyn, waxaanay rejo fiican ka muujiyeen in shirkaasi ay ka soo bixi doonto nabad waarta oo la dhex dhiga beelahaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.