WorldRemitAds
Xinaha ama Cilaanka qofba siduu u yaqaano, wuxuu ka mid yahay waxyaabaha aadamigu ogaaday wakhtiyo aad u horaya, waxaanu ka mid yahay dhirta loo isticmaalo in lagu qurxiyo timaha, Lugaha iyo gacmaha.

Waxa xinaha ama cilaanka taariikh ahaan lagu hayaa in dadyowgii hore gaar ahaan Faraaciintu u isticmaali jireen, is qurxinta haweenka iyo dawo dhaqameed, sida dadka taariikhda ururiyaa sheegeen Xinaha ayay u isticmaali jireen inay ku dhayaan ama ku daweeyaan nabaradda iyo meelaha boogaha ah ee jidhka ka qoonma.
Sidoo kale Geedka cilaanka ama xinaha dadka faraaciintu waxay u adeegsan jireen inay udug ahaan uga dhigaan dadka ka dhinta marka xabaasha la dhigayo ay iilka ku shubi jireen isagoo sida biyaha oo kale ay ugu rushayn jireen Xinaha oo budo ah.
Henna_for_hairXinuhu sida xog lagu hayo wuxuu ka baxaa dalalka dadka Muslimiintu degaan gaar ahaan bariga dhexe iyo geeska afrika waxaanu si wayn uga baxaa dalkeena Somaliland.
Waxaanu isku qurxinta ka sakow daraasado cimli oo dhawaan laga sameeyay dunidu lagu ogaaday faa’iidada Xinuhu leeyahay gaar ahaan dhinaca caafimaadka, taas oo warbixinihii caafimaad ee u danbeeyay muujiyeen in xinuhu ama cilaanku timaha ka ilaaliyo inay deg deg u ciroobaan.
Sidoo kale waxa uu ka caawiyaa dadka timuhu soo daataan inuu yareeyo, sida la sheegayna waxa taa ugu wacan Borotiinka xoojiya qarada timaha oo aad ugu badan xinaha si dabiiciyana ugu jira.
Cilmi baadhis caafimaad oo laga sameeyay dalka Maraykanku ayaa daaha ka rogtay in xinaha ama cilaanku leeyahay oo ay ku jirto maado isku dheeli tirta neefsashada madaxa iyo heerka dhididka ee qofku sameeyo taas oo qayb wayn ka qaadan karta in qofka marsadaa ka badbaado bidaarta iyo in hore timihiisu u ciraystaan.
Sida lagu sheegay baadhitaanada caafimaad ee lagu sameeyay xinaha waxa la ogaaday in uu dawo u leeyahay dadka dhiig yaraantu ku dhacdo ee baabacooyinka lugaha iyo gacmuhu ololaan oo hadii loo mariyo lugaha iyo baabacooyinka ay ka yaraado kaarku. Ugu danbayntii wuxuu xinuhu difaac ka noqdaa qalalka timaha, toxobta, dulinka ku dhasha iyo isku dheeli tirnaan la’aanta nafaqada ee timaha.

SomlegalAds

1 COMMENT

  1. waxaan meel ka aqriyey in Ismaciil Buuba uu tegayo Galkacyo, wuxuu u tagaayo ma,cadda .Ismaaciill Buuba waa kuwa mareeykanka u shaqeeya, waa nin aan aad u aqaan muxuu noo sheegaya, marka uu Gaalkacyo yimaado.Af daboolani waa dahab, waxaase ayaa la idinka maqlin. Ka xishooda waxaase oo kale inaad dadka u sheegtaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.