WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 19, 2016 (Saxafi) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa sheegay in aanu dalka ka jirin xisbi Mucaarid isbedelka ay ummadda Somaliland u baahan tahay keeni kara, isla markaana uu xisbiga KULMIYE yahay ka keliya ee keeni kara isbedelkaas.

Sidoo kale, Cali Gurey waxa uu sheegay in shacabka Somaliland u baahan yahay hoggaamiye adag, kaas oo uu xusay in hoggaamiyaha adag ee keliya ee la hayaa uu yahay Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, isagoo Mujaahidku saadaaliyay in Madaxweynaha ku xiga Madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Siillaanyo uu noqon doono Muuse Biixi Cabdi.

Mujaahid Cali Gurey, ayaa hadalkan warbaahinta u sheegay mar uu shalay booqday hoolka uu ka furmay shirweynaha dhallinyarada xisbiga KULMIYE, waxaana hadaladiisii Mujaahid Cali Gurey ka mid ahaa oo uu yidhi: “KULMIYE waxaa isugu kaaya dambaysay Toddoba sannadood ka hor annagoo isbedel doon ah, isbedel doonkiina berigaas waan saluugay oo waanigii ka baxay [KULMIYE]. Toddoba sannadood oo kale ayaan isbedel-doonka raadkiisii weli ku jiifay, sidaan u waday ayuu haddana KULMIYE ila soo galay. Waxaan idiin sheegayaa waan soo arkay wax farabadan, runtii isbedelka aynu u baahannahay xisbi Mucaarid ah oo keeni karaa ma jiro, anigaa gunta soo taabtay. Xisbiga keeni kara isbedelka ay ummaddani u baahan tahay wuxuu u baahan yahay hoggaan adag, hoggaan adagna waxaynu haynaa Muuse Biixi, ninkii jecel iyo ninkii neceb-ba. Taas baana u sabab ah inaan KULMIYE mar kale taageero, oo aan musharaxa xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi taageero. Insha Allaahu tacaalaana Madaxweynaha ku xiga Axmed [Madaxweyne Axmed Siillaanyo] dabadiina waxa uu noqonayaa Muuse Biixi Cabdi

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.