WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 28, 2016 (Saxafi) – Xisbul-xaakimka talada Somaliland haye ee KULMIYE, ayaa meesha ka saaray in wax burbur ama hakad ahi ku yimi wadahadalladii xisbigu la furay garabka xisbiga UCID ee uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahiin Axmed oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa shalay, ayaa  xusay inay wada-hadalladaas labada dhinac u bilaabmay weli socdaan oo aanay jirin wax iska beddelay, isla markaana aanay jirin wax saluug ama dhibaato ah oo labada dhinac kala tirsadeen.

Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa muddo laba maalmood ah wada hadlayey ergo ka socotay xisbiga KULMIYE mid kale oo ka socotay garabka xisbiga UCID  ee Jamaal Cali Xuseen, si fiican ayaanu u wada hadallay oo wax dhib ah  iyo wax isa seeg ah midkoodna aanu jirin, wada-hadalkaasna annagu waxanu ahayn xubno ka socda xisbiga KULMIYE iyagana waxanu kula hadlaynay iyaga oo ah garabka Jamaal Cali Xuseen oo aanu sidaas u aqoon sanahay, wada-hadalladuna si fiican bay noogu socdeen oo meel fiican baanu dhignay.”

SomlegalAds

Waxa kaloo uu rajo wanaagsan ka muujiyey natiijada wadahadalkaasi kasoo bixi doonto, balse haddiiba is af-garan waa yimaaddo ay xallin doonaan, “hawlo kale iyo wada-hadallo kale ayey galeen, haddana wada-hadalladayadii way noo soconayaan, waxana aanu rajaynaynaa in si fiican oo midho-dhal ah oo is af-garad ah oo labadayada qoloba aanu ku kalsoonaano inay wax noogu dhammaadaan, wax dhib ahina ma jiraan, haddii wax dhib ahi soo baxaanna wada-hadal baanu ku dhamaysanaynaa oo si fiican baanu uga wada-hadlaynaa,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.