WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 28, 2012, (Saxafi) – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay khudbadii uu ka jeediyay shirweynihiiLondonoo ay tilmaameen inay ka soo baxday natiijo wanaagsan oo u fiicnayd dalka.

Xisbiga UCID waxa kale oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyeen talaabo ay sheegeen inuu ku rumeeyay himiladdii reerSomaliland.

Warsaxaafadeed UCID Arrimahaas kaga hadlay oo uu ka soo saaray Hargeysa Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Xisbigaasi Md. Aadan Jaamac Hoori.waxaa uu u dhignaa sidan: “Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID waxa uu si buuxda u taageerayaa ShirkiiLondonka dhacay 23-feb-2012.

SomlegalAds

Xisbiga UCID waxa uu soo dhawaynayaa natiijadii fiicnayd ee ka soo baxday shirkaLondondantana u ahaydSomalilandiyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa.

Waxa kale oo Xisbiga UCID uu Hambalyo u dirayaa Jaaliyada Somaliland ee Cariga Ingiriiska sidii milgaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen weftigii Somaliland ka socday iyo siday u muujiyeen qadiyadaSomaliland.

Waa ILLAAHAY mahaddii haddii aad hor dhigteen qaddiyadeenii gooni-isutaaga 54 dawladood oo ah kuwii tallada aduun-weynuhu ka go’do, waxa kale oo xusid mudan in loo sheego ummadeena reerSomalilandin qoraalkii uu  Madaxweynaheenu hordhigay 54kii dawladood ee madasha shirkaas fadhiyay oo kala ah:

1.         In ummaddii reerSomalilandbuuxisay shuruudihii ay ummadi dawlad ku noqon lahayd

2.         Inuu mudan yahayna in la ictiraafo

3.         In Baasaboorkayagu aad noo tixgelisaan ku safarkiisa

4.         In maal gashi aad Dalkayaga ku samaysataan

5.         In aad wax nagala qabataan horumarinta Dalka si aan ugu samayno furasado shaqo dhalinyaradayada

6.         In deeqaha beesha caalamku toos na loogu keeno.

Sidaa awgeed, waxa aan leeyahay Madaxweyne Hambalyo Hambalyo adiga iyo masuuliyiinta kale ee weftiga aad hogaaminayso kugu wehelinaysa.

Md, Madaxweyne run ahaantii waad u rumaysay ummadaada reerSomalilandhimiladaadii ahayd in aad gaadhsiiso meel sare qaddiyadeennana in aan helno ictiraaf buuxda.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.