WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 26, 2015 (Saxafi) – Xisbiga UCID ayaa raali-gelin ka siiyey taageerayaashii wararkii ay warbaaahinta isku mariyeen masuuliyiinta xisbiga UCID, isla markaana sheegay inay dhexdoodda ka xalinayaan khilaafkaasi soo kala dhexgalay.

Raali-gelinWar-saxaafadeed uu ka saxeexan yahay xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sheegay in aan wax khilaaf ahi ka dhex jirin xisbiga, isla markaana hadaladii warbaahinta la isku mariyey ay xalin doonaan.

War-saxaafadeedkaasi waxa uu u qornaa sidan “Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID waxaa uu ka raali galinayaa guud ahaan Shacbiga JSL, gaar ahaana Taageerayaasha xisbiga UCID,Hadalo ay War-baahinta isu mariyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID, hadaladaas oo niyad jab ku keenay taageerayaasha xisbiga, Qaarka mid ah warbaahintuna ay Buun-buuniyeen,warbaahintaas oo u rogtey in khilaafkii ugu weynaa ka dhex-qarxay xisbiga UCID

SomlegalAds

Hadaba Xisbiga UCID waxaa uu bulsho-weynta JSL iyo Taageerayaasha Xisbigaba u Cadaynayaa in aan Wax khilaaf ahi habayaraatee oo ka dhex jira Xisbiga aanu jirin.

Gudomiyaha Xisbiga iyo Musharaxa Xisbiguna wixii yaraa ee dhexdooda ahaa Way dhamaysteen, imikana Waa UL iyo Diirkeed Xisbiga UCIDna waxaa kale oo uu si balaadhan u soo dhawaynayaa taageerayaasha iyo aqoon-yahanka ku soo biiraya xisbiga UCID.

Xisbiga UCID waa xisbi Sal-balaadhan oo lawada leeyahay,khilaafkiisana wuu dhamaystaa iyada oo aan cidina dhex-galin, wakhti koobana wuu ku dhamaystaa”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.