WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2019 (Saxafi) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa gaashaanka u daruuray isla markaana ganafka ku dhuftay codsi uga yimid guddida doorashooyinka Somaliland.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Codsiga ka yimid Komishanka doorashooyinka ayaa la xidhiidhay martiqaad ay u direen xisbiyada siyaasadda, golaha wakiillada, wasaarada arrimaha gudaha, ururada bulshada iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka iyaga oo ku wargeliyey inay ka soo qayb galaan munaasibad lagu soo bandhigayo tayeyn lagu sameeyey hanaanka farsamo ee diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka.

Guddida doorashooyinka ayaa warqada codsiga ah ee ayku socodsiiyeen xisbiyada siyaasadda iyo hay’addaha kale oo uu ku saxeexnaa gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxay ku sheegeen in loo soo bandhiyo hab raac cusub oo lagu sameeyey nidaamka diwaan gelinta codbixiyeyaasha ee casriga ah, iyada oo hay’addaha lagu socodsiiyeyna la faray inay soo dirsadaan min sadex xubnood oo goob joog u noqda.

Dhinaca xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa jawaab uu shalay u diray guddida doorashooyinka qaranka waxa uu ku sheegay inaanu xisbigu ka qayb galayn kulankaas lagu soo marti qaaday iyo hawl kasta oo ay gacanta ku hayaan guddida doorashooyinka ee wakhtigan jiraa.

Warqada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kaga jawaabay martiqaadka Komishanka doorashooyinka oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaasi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa lagu sheegay in sababta aanu xisbigu uga qayb galayn kulankaasi ay tahay in xisbigu hore u joojiyey wada shaqayntii uu la lahaa guddida doorashada sida ku cad warqad uu hore ugu diray maddaxweynaha iyo daneeyayaasha doorashooyinka,. Sidaas darteedna uu ku taagan yahay go’aankiisii hore.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.