WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 21, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay dalkii godoon galisay iyo in siyaasaddii arrimaha dibadda hoos u dhac ku yimid.

Sidoo kale, waxaa uu ku dooday Guddoomiye Cirro in shirkiii Soomaaliya loogu qabtay Brussels ee uu Guddoomiyaha xisbiga UCID kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya ay ka dambaysay xukuumadda Muuse Biixi.

SomlegalAds

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu dhaliilay wefti madax dhaqameed iyo ganacsato iskugu jirtay oo Garoowe u tagtay sidii loo joojin lahaa dagaalka Tukaraq, taas oo uu sheegay inay xukuumaddu ka dambaysay, waxaana uu sheegay inay tahay mid ugub ku ah Somaliland in odayaal arrimo siyaasadeed loo diro.

“Xiligii aanu ololaha ku jirnay KULMIYE iyo Muuse Biixi waxay ku ololeeyeen dalka laguma aaminni karo xisbiga WADDANI iyo Aniga, hase yeeshee gefkaasi ka dhacay Kulmiye anigu raaci maayo wadadii ay raaceen waxaan leeyahay Muuse Biixi iyo Kulmiye dalka waynu ku aaminay, waxaase aan leeyahay dalku wuxuu ku jiraa xaalad dhaqaale oo adag, habacsanaan iyo kala qaybsanaan waxaanay masuuliyadaasi saaran tahay madaxweyne Muuse iyo xisbiga Kulmiye jidka uu qaranku ku socdaana haddii aan laga leexin waa mid keeni karra inuu qarankani dumo.” ayuu yidhi Cirro.

Gudoomiye Cirro wuxuu mar kale ku celiyey inuu kalsoonidii kala noqday Komishanka Doorashooyinka, waxaanu si weyn uga soo horjeestay inuu wali komishankii shaqaynayo maadaama oo uu ka maqan yahay xisbigii WADDANI, taas oo uu ku tilmaamay gef. “Sii joogi taanka komishanka doorashooyinka waxaanu u aragnaa doorasho ma qabsoomayso masuuliyadeedana waxa qaadaya madaxweynaha Somaliland”ayuu raaciyey hadalkiisa

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in shirkii Soomaaliya uga socday Brussels ee lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya ay hore u sheegtay in aanay ka qaybgaleyn xukuumaddu, hase yeeshee uu ka qaybgallay guddoomiyaha xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay mid xukuumaddu u dirtay ka qaybgalka shirkaasi.

Waxa kale oo uu si weyn u dhaliilay siyaasadii arrmaha dibada ee Somaliland oo uu ku sheegay inay hoos u dhac ku yimid.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.