WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 5, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbigiisu yahay xisbiga kaliya ee musharax leh, balse uu hadalkisa raaciyey inay siyaasaddu is bedbedesho.

Sidoo kale, waxa uu dhaliilay qaabka xisbiga kulmiye u maamulay shirweynihiisa golaha dhexe oo uu tilmaamay in sidii uu dadku codeynayaan u gallay ololahiisa, balse uu tilmaamay in afar boqol oo qof oo kaliya u codeynayaan. “Xisbigayagu ilaa hadda musharax buu leeyahay in kasta oo siyaasaddu isbedbedesho, ” ayuu yidhi Eng Faysal oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da.

Guddoomiyaha Ucid waxa kale oo la waydiiyey inuu han madaxnimo leeyahay, waxaanu kaga jawaabay “Waxaan intaas u socdo een siyaasadda ugu jiraa waxa weeye hammi, hamigaygu…waa mid qaran weeye. Arrinta qaranna in fikraddaadu socotaa weeye. Fikraddaadana waa inaad adigu fulisaa, markaa aniga taas weeye muhiimaddaydu, ”

SomlegalAds

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya sida uu u arko khilaafka iyo muranka ka dhex jira xisbiga taladda haya ee KULMIYE, waxa uu yidhi “Arrintaasi waa arrin xisbi, inkasta oo xisbigu si xun u maamulay oo laga dhigay arrin qaran oo ay olole galeen. Gole dhexe oo 400 ah oo fadhiisanaya in loo ololeeyo oo sidii shacabku cod bixinayaan loo abaabulo may ahayn. haddii ay jiitanto arrinta khilaafka Kulmiye inay dib u dhigi karto doorashada 2017-ka, ”

Eng Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay sababta wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia u socon waayay waxa uu sheegay inaanay Somalia dhab ka ahayn wada hadalku, taasna ay muujinayso sidii shirkii u dambeeyay loogu soo diray niman reer waqooyi ah.

 “Imika arrin ayaa socota oo waxaanu isleenahay ma iska dhaafnaa qoladan(Dawladda Xasan Sheekh) intay ka baxayso meesha oo ma sugnaa dawladdaha kale. Labada dawladood ba hadda waxay ku jiraan doorasho. Intaan halka (final stage) ugu dambeysa la gaadhin wax badan ayaa la wada qabsan karaa oo dadkaa la isku fasixi karaa, waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha ammaanka ayaa la is dhaafsan karaa, ” ayuu yidhi Waraabe oo ka hadlayey wada hadaladda hakadka gallay ee Somalilnad iyo Soomaaliya ka dhexeysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.