WorldRemitAds

Warbaahinta dalka Maraykanka intooda badan ayaa si wayn uga faalooday, go’doonka Madaxweynaha dalkooda Donald Trump uu geliyay Maraykanka iyo sida dunidu uga soo wada hor jeesatay go’aankiisi uu dhawaan ku sheegay inuu magaalada Barakaysan ee Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Dalka Yuhuuda.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku tilmaantay guul daradii dublamaasiyadeed ee ugu waynayd ee soo waajahda Maraykanka, waxaanay warbaahinta intooda badani ka warameen baaxada dhuleed iyo tiradda dadka ku dhaqan todobadan waddan ee taageeray oo ah kuwa ugu yar dunida.

Go’aankii golaha guud ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay horgeeyeen dalalka Turkiga iyo Yemen, oo ahaa mid ku baaqayay inaan waxba laga badelin dhawrsanaanta Magaalada Barakaysan ee Qudus, oo aan dheg loo dhigin go’aanka kaligii uu gaadhay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

SomlegalAds

Waxa go’aankan Turkiga Iyo Yemen ee Falastiin lagu taageerayay Ogolaaday 128-Waddan oo ah kuwa ugu xooga, dhaqaalaha, tiradda iyo dhumucda wayn dunida, waxa diiday todoba waddan iyo Maraykanka iyo Israel, halka shan iyo sodon dawladoodna ay ka aamuseen.

Haddaba todobada waddan ee taageeray Donald Trump ayaa dhamaantood marka laga reebo dalka Togo ku yaala badhtamaha Amerika, waxaana taraxayay oo kaliya halka Waddan ee Qaarada Afrika oo dhan ka taageeray Donald Trump ee Togo.

Marka laga reebo dalka Togo, lixda waddan ee kale badankoodu waa kuwo Maraykanku intooda badan gacanta ku hayo ama hore uu u gumaystay, waxaanay todobada Waddan kala yihiin, Guatemala, Honduras, Jasiiradaha Masrshall Islands, Micronesia, Nauru, Palau Iyo Togo. Kuwaas oo marka sadexda waddan ee Honduras, Guatemala iyo Togo, laga reebo aanay dadka ku nooli Hal Milyan oo qof gaadhin.

Jasiiradaha Marshal Islands ayaa sanadkii 1986-kii, ka xoroobay Maraykanka, oo muddo afartsan sano ah ayuu xoog ku haystay kana talin jiray, waxa ku dhaqan dad ilaa konton kun oo qof tiradooda lagu qiyaaso, baaxada dhuleed ee ay ku fadhiyaana waa 181.43km oo afar jibaaran.

Dalka Labaad oo ah, waddanka Jasiiradaha midoobay ee Micronesia, wuxuu ku yaala badweynta Baasifiga, waxaana ku dhaqan dad tiradooda lagu qiyaaso, 107.862-kun oo qof, waxaana badka guud ee jasiiradahaas lagu tilmaama, 702km, Jasiiradahan waxa maamula Maraykanka oo uga masuul ah qaramada Midoobay, mana aha waddan madax banaani buuxda haysta.

Jasiirada Nauru, waxa lagu tilmaama dalka Ugu yar dunida, waxa ku nool dad toban kun aanay tiradoodu gaadhin, waana dalka kaliya ee aan caasimad Rasmi ah lahayn, guud ahaan baaxada dhuleed ee ay ku fadhido jasiiradani waa 21km oo afar jibaaran, mana laha magaalo madax ama caasimadd sidaan hore u xusnay.

Jasiirada Palau, waxay dalka Maraykanka ka xorowday sanadkii 1994-kii, waxaana ku dhaqan ilaa labaatan kun oo qof dad tiradooda lagu qiyaaso, dhulka ay ku fadhidaa waa 459km oo afar jibaaran, waxaanay jasiiradani ka mid tahay kuwa ugu yar dunida, ee Maraykanku muddada dheer ka talin jiray.

Dalka Honduras waxa ku nool todoba milyan oo qof, waana dal sida warkiisa loo maqlaa adag tahay, waxaanu ka mid yahay waddamada ugu saboolsan dunida, dalkan ayaanay dadka badankoodu wax aqoon ah u lahayn, mana laha wax saamayn dhaqaale, Istaraatijiyadeed iyo aqooneed oo loogu xigto.

Warbaahinta Maraykanka ayaa go’aanka dunidu ka qaadatay, qorshihii Donald Trump ee laabla kaca ahaa ku tilmaantay fariin cadaan ah oo maamulkiisa ku socota, taas oo sida isla warbaahinta Maraykanku sheegtay ay aad u adag tahay in maamulka Madaxweyne Trump sixi karo ama dib u hanan karo kalsoonidii saaxiibadii Maraykanka iyo waddamada saamaynta leh ee dunida.

Waxa xusid mudan in go’aanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee lagu taageerayay Qudus, laguna diidanaa go’aanka Donald Trump Magaalada Barakaysan ee Qudus caasimadda Israel ugu aqoonsaday, ay ka aamuseen shan iyo sodon waddan oo iyaga laftoodu aanay waddamada waaweyn ee saamaynta ku leh dunidu aanay ku jirin.

Tusaale ahaan Waddamada Midowga Yurub, Shiinaha, Jabaan, Hindiya iyo waddamada laxaadka leh ee qaaradaha afrika, Yurub iyo Eeshiya, waxaanay kala ahaayeen shan iyo sodonka waddan ee ka aamusay, Antigua-Barbuda, Argentina, Australia, Bahamas, Benin, Bhutan, Bosnia-Herzegovina, Cameroon, Canada, Colombia, Croatia, Czech Republic, Dominican Republic, Equatorial Guinea, Fiji, Haiti, Hungary, Jamaica, Kiribati, Latvia, Lesotho, Malawi, Mexico, Panama, Paraguay, Philippines, Poland, Romania, Rwanda, Solomon Islands, South Sudan, Trinidad-Tobago, Tuvalu, Uganda iyo Vanuatu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.