WorldRemitAds

Dr: Sadiq Enow – Qaybtii labaad

Qormo cilmi ah oo la xidhiidha hawlaha Eebaha sareeya ee hufani u qaabeeyay Wadnaha laabteena ku jira ayaynu ku soo qaadanay qayb ka mid ah qormaddeenii hore doraad Wargeyska Saxafi. Taasoo aanu akhristayaasha u balan-qaadnay in qayb kale oo ka mid ah  aanu idiin sii anba-qaadi maanta, waxaa ay leedahay qayb-ta danbe sidan:

SomlegalAds

Dhakhtarka la yidhaahdo Paul Ka’ikena Pearsall 6/ 4- 1999 wuxuu soo saaray buug uu ku magacaabay Lambarada sirta ah ee wadnaha (The Heart’s Cord). Isagu wuxuu macalin ka yahay jaamacada Manoa ee ku taal meel ka baxsan magaalo-madaxda jasiiraddaHawaii(Hanolulu). Waa dhakhtar takhasusukiisu yahay Clinical Neuro-Psychology. Wuxuu buugiisaas ku qoray: “Marka leysku dhafo xikmadihii laga dhaxlay dadkii inaga horeeyey, garashada aqoonta caafimaadka, raad-raaca garashada, iyo khibradaha qofeed, waxaanu ka heleynaa in maskaxdu aanay ahayn, bal uu wadnuhu yahay xubinta ay ku keydsan tahay siraha la xidhiidha jidhka, caqliga iyo nafta dadka “. (The Heart’s Cord. Paul Ka’ikena Pearsall 6/ 4- 1999.Hawaii–USA).

 Xogahaas keydka ah oo xumaan iyo samaan leh, ayaa aadamigu uu marba khaanad furtaa. Xogtaas ayaa hadba ta uu furto ayay xubnaha intooda kale ku shaqeeyaan. Taasina waxay waafaqsan tahay ereygii aqoonta ku dhisnaa ee uu inooga tegey adeegihii suubanaa (nabadgelyo iyo shacni dushiisa ha ahaatee). Xadiiskaas oo Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen ayaa wuxuu leeyahay: “Hooyaay, jidhka xubin ayaa ku jirta, taas oo haddii ay hagaagto uu jidhku hagaagayo, haddii ay xumaatona uu jidhku xumaanayo. War-hooy xubintaasi waa wadnaha.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.