WorldRemitAds

Dr: Sadiq Enow

Wadnuhu waa xubin hilib ka sameysan (Myogenic Organ) oo aynu ku siddano laabta dhankeeda bidix. Wuxuu kamid yahay xubnaha saldhigga u ah nolosha jidhka. Muddo qarniyo badan ah ayuu aadmigu si gaar ah ugu howlanaa korodhsiga ogaallada ku hareereysan xubintan. Wixii ka horeeyay qarnigii 20-aad, tallaabooyinka uu aadamigu u qaaday dhanka garashada asraarta wadnaha, waxay ahayd mid kooban. Aqoonta Cardio-Anatomy iyo Cardio-Physiology ayaa lagu soo ururshey ogaallada laga dhaxlay tijaabooyinkii lagu daba-galay wadnaha ee waayahaas. Waxaa weheliyay in xog badan laga ogaaday qaabka uu wax-qabadkiisu isu beddelo marka ay xanuunada kala duwan ku dhacaan.Sidaa darteed, wadnuhu ma dhaafsiisneyn in uu u muuqdey saddex dabaqadood oo hilib is dul-saaran ah (pre-cardium, myo-cardium, iyo endo-cardium). Waxaa kaloo wadnuhu uu leeyahay afar qowladood (four chambers) oo gudaha ka dhisan, kuwaas oo laba dabaq ah. Waxaa weheliya albaabo (valves) u dhexeeya dabaqa sare iyo dabaqa hoose. Waxaa fura oo xidha qul-qulka dhiigga isaga-gudbaya labada dabaq.

SomlegalAds

Howsha makaanikada ah ee wadnuhu uu qabto waa is-garaaca murqihiisa, taas oo uu ku hago dhiig-riixa iyo socodaalka dhiigga jirka ku wareega. Wadnuhu wuxuu bilaabaa in uu is-garaaco, marka ilmaha ku abuurmay caloosha hooyadu uu jiro 22 maalmood oo qudha. Tan iyo inta uu qofku nool-yahay garaaca wuu wadayaa, isaga oo aan marna hakad geleyn. Waa makiinad shaqeysa oo dunida laga helo midda ugu hagaagsan, uguna shaqa badan. Shaqadiisa waxay gaadha illaa 100 sano oo aan hakad lahayn. Waxaa intaas weheliya oo wadnaha loo aqoonsan yahay in uu xarun u yahay mashaacirta qofka ee kala duwan, taas oo ay ugu wayn yihiin jacaylka iyo geesinimada.

 Bilowgii qarnigii 20-aad, waxaa hor u-mar laga gaadhey daaweynta xanuunada ku dhaca wadnaha. Gaar ahaan kuwa la xidhiidha qalliinka wadnaha Cardic Segury. Nuskii danbe ee qarnigaas waxaa la heley aragtida ah in xubnaha aadamiga leysku tallaalo (Organ Transplantation). Wadnuhu wuxuu kamid noqdey xubnahaas nasiibka u heley in isku-tallaalkoodu ay ka qeyb-qaataan badbaadada aadamiga. Qalliinka wadnaha la isku beddelo, kiisii ugu horeeyey waxaa lagu guuleystay markay taariikhdu ahayd 3/ 12- 1967-kii. Qalliinkaasi wuxuu ka dhacay isbitaalkaGrooteSchuurHospitalee ku yaal magaalo-madaxda dalka Koonfur Afrika (Cape Town). Wadne uu lahaa wiil daa’diisu tahay 24 jir oo shil baabuur ku dhintay, ayaa waxaa lagu rakibay nin la yidhaahdo Louis Washkansky, kaas oo xilligaas ahaa 54 sano jir.

Louis Washkansky, inkasta oo 18 maalmood oo keliya uu noolaa, misana howshii uu oggolaadey in tijaabadeeda koowaad uu qaato waxay noqotay mid badbaadisay nolosha dad badan. Waxaa bilaabantay in dhakhaatiirtu ay xiiso u qaadaan tijaabooyinka qalliinka caynkan ah. Muddo gaaban ayay qaadatay in si wanaagsan loogu guuleysto beddelka xubinta wadnaha. Dadkii badnaa ee wadnaha loo beddeley iyo hor u-mar laga gaadhay garashada ayniga unugyada wadnaha ayaa waxaa laga heley aragti ka yaabisay oo ay la amakaageen dhakhaatiirtii ku howlaneyd arimahan. Aragtidaas ayaa waxay ahayd in wadnuhu uu yahay agab keydiya xogta iyo wararka, dabadeedna ay ka yimaadaan fikrado ku saleysan xogahaas ku keydsan.

 Dhakhaatiirtii ugu horeysey ee dareentay arintan waxay ahaayeen kuwo u kuur-galay is-beddelka ku dhaca qofka ku caafimaaday wadnaha aanu lahayn. Amakaagu maahayn mid ku eg dhakhaatiirta, bal kuwii wadnaha loo beddeley qudhooda waxaa la yaab ku noqdey arimo ku soo korodhay noloshooda, kadib markii ay rahmadeen wadne aanay ku dhalan. Qof wal oo kamid ah wuxuu noqdey mid u muuqda qof laba dhaqan leh. Haweeneyda la yidhaahdo Sylvia Claire Berman waxay ahayd qofkii ugu horeeyey ee mar qudha lagu rakibo wadne iyo kelyo ay dad kale leeyihiin. 29/ 5- 1988-kii ayaa xubnaha loo beddeley. Wadnaha loo rahmay waxaa lahaa wiil 18 jir ah, kaas oo ku dhintay shil. Iyadu markii wadnaha loo beddeley, waxay dareentay in uu is-beddel ku yimid nolosheedii. Gaar ahaan xaggii mawaaqifta, dhaqanka iyo dhadhanka raashinka. Sida ay sheegtey waxay isugu muuqatay in ay qof lab ah tahay in-kabadan inta ay isugu muuqato qof dheddig ah. “Garaacii wadnaha cusub ee aan maqlay waxay igu ahayd arin la yaab leh. Socdaal dheer oo bilow ah ayaan markaas galay. Si tartiib ah ayay arimuhu isu beddeleen illaa aan ku qancay inaan ahay qof uu qof kale ku guda jiro. Wixii ugu horeeyey ee dhacaa waxay ahayd inaan kala jecleysto raashinka. Ma aanan ahayn qof jeclaa bocorka cagaaran Laakiin hadda aad ayaan u doonayaa inuu ku jiro raashinka aan qaadanayo. Markii ugu horeysey oo ay ii ogolaadeen inaan hilib cuno, waxaan is arkay aniga oo jooga meel digaagga karkarsan lagu iibsho. Waa arin aanan hore u sameyn jirin. Waxaa kaloo aan arkay qoraalkeygu in uu ka socdo bidix oo uu u socdo midig, halkii uu markii hore ka socdey midig ee uu u socdey bidix “

Ninka la yidhaahdo Jim Clark ayaa isna kamid ah dadka wadnaha rahmaday. Isaga oo ka waramaya taariikh-nololeedkiisii ayaa wuxuu sheegey, isaga oo 15 jir ah in uu ka tegey waxbarashadii. Wuxuu shaqo ka bilaabay god dhuxusha laga qodo. Dabadeed wuxuu noqdey darawal baabuurta waawayn kaxeeya. Isagu muu helin waxbarasho wanaagsan. Sidaa darteed isagu ma noqon nin xiiso u haya akhriska iyo dhigaalka. Laakiin markii la qalay lix bilood dabadeed, subax ayuu inta qalin iyo waraaq qaatay wuxuu u fadhiistey in uu wax qoro. Saddex gabey ayuu fadhigii ugu horeeyey ku qorey.“Waan qorey oo qorey oo qorey, wax kale ma aanan dooneyn. Sida aad og tihiin, anigu ma garan meesha ay iiga timid arintani. Nolosheyda howl ceynkan oo kale ah ma aanan qaban “

Dhakhaatiirtii qalliinka wadnaha, arimaha ay la yaabeen waxaa kamid ah, qof markiisii hore rabshadaha nebcaa, markii wadnaha loo beddeley isagii ayaa rabshadwade noqdey. Qof dhaqdhaqaaq yaraa, markii wadnaha loo beddeley wuxuu jecleystay in uu buuraha fuulo oo badaha hirarka waawayn leh uu ku dabaasho. Waxaa la wariyaa qof loo geliyay wadne qof la dilay. Oo booliskii gacan ka siiyay sidii loo heli lahaa kii wax dilay. Arimaha caynkaas ah waxay soo af-jareen in dhakhaatiirtu ay wadnaha u arkaan cad hilib ah oo shaqadeedu tahay dhiig-xooris keliya. Waxaa halkaas ka bilaabatay tijaabooyin hor leh iyo dadaal leysku howlayo in la ogaado asraarta ku qarsoon xubinta wadnaha. Tijaabooyinka la qaaday waxaa kamid ah, dad ayaa shucuurtooda waxaa la gaadhsiiyay xaalado kala duwan. Tusaale-dhig, xaalado wanaagsan oo kala duwan iyo xaalado xumaan ah oo kala duwan, jaceyl iyo nacayb, wal-wal iyo xasillooni, xaalad nabad iyo xaalad cabsi. Xaalad walba waxaa lagu xidhiidhshay agabka ah (Ultrasound). Dabadeed mowjadaha dhigaalka shaashadda waxaa laga akhriyay isbeddelka ku dhacaya maskaxdooda iyo midka ku dhacaya wadnahooda.

 Xaaladahaas kala duwan waxay sababeen in dhigaalka laga akhristo is-beddelka wadnaha ku imanaya in uu yahay mid kana wayn kana hor-dhacaya is-beddelka ku dhacaya maskaxda. Waxaa arintaas loo daliishaday in maskaxdu aanay keli ku ahayn keydinta iyo tafsiirka ogaallada keydka ku ah jidhkeena. Bal in wadnuhu uu yahay xubin la wadaagta maskaxad ogaallada, weliba ka keyd wayn. Waxaa kaloo tijaabadan laga fahmay, ogaallada jidhka gaadhaya in ay ku horeeyaan wadnaha intaanay gaadhin maskaxda. Isla-markaas wadnuhu uu jawaab ka bixinayo, ka-hor intaanay maskaxdu jawaabin. U kuur-galka xoogga wayn ee falaadkii culimada iyo ugaadhsashada asraarta wadnaha, waxaa kaloo lagu ogaaday, unugyada dareen-sidayaasha ah ee wadnaha ku yaal in ay ka awood badan yihiin kuwa dhiggooda ah ee maskaxda ku yaal. Unugyada dareenka ee wadnaha iyo kuwa maskaxda si joogto ah ayay ogaallada isu dhaafsadaan. Fahamka xidhiidhka ka dhexeeya tamarta wadnaha iyo midda maskaxda ayaa waxay noqotay arin xoojisa aragtidan. Isla-markaas fahamkan ayaa waxaa ka dhashay su’aasha ah, ma jirtaa xubin jidhkeena ah oo aanan maskaxda ahayn, taas oo fulisa fekerka iyo go’aamadiisa ?.

Dr. J. Andrew Armour, waa dhakhtar aqoontiisu tahay neurocardiolog, sanadkii 2008 wuxuu soo bandhigay aragti uu ku magacaabay Functional Heart Brain (maskaxdii wadnaha ee shaqeeneysey). Ninkan ayaa baadhitaan badan oo uu sameeyey wuxuu natiijadiisii ku sheegey in wadnuhu uu leeyahay unugyo dareen-sidayaal ah, kuwaas oo leh tayo wanaagsan, isla-markaana si qallafsan u shaqeeya. Sidaa darteed unugyadaas waxaa lagu magacaabi karaa in ay yihiin maskax gibin ah. Isaga oo arintaas ka hadlaya wuxuu sheegey:  “ Maskaxda wadnaha waa shabakad qallafsan oo ka kooban ayniyo badan oo ah unugyada dareenka (neurons), agabka dareen-gudbiyaha (neuro-transmitters), brootiino iyo unugyada kaalmada oo lamid ah kuwa agabka maskaxda.”

Isaga oo sharax ka bixinaya unugyada dareenka ee wadnaha, Dr. J.A. Armour wuxuu qorey: “Hannaanka dareenka ee wadnaha wuxuu ka kooban yahay 40.000 oo unug, kuwaas oo lagu magacaabo (sensory neurites). Iyagu waxay caddeeyaan hormooniska dhiigga la socda, kiimikada dareenka dhalisa, xasaasiyadda wadnaha iyo qiimeynta cadaadiska dhiig-wareegga ”

Isla-qoraalkaas ayuu Dr. J.A. Armour wuxuu ku caddeeyey in wadnuhu uu leeyahay hannaan dareen-side ah oo u gaar ah, kaas oo ka madax-bannaan hannaanka dhexe ee dareenka (Central Nerve System). Si madax-bannaan ayuu ogaallada una qaabilaa, una keydiyaa. Sidaa darteed, wadnaha la rahmado waxaa ku keydsan ogaallo uu ka sido qofkii hore ee xubintan hibada u lahaa. Ogaalladaas ayuu qeyb uga gudbiyaa qofkan cusub oo wadnaha soo rahmaday.

 Haddaanu dib ugu laabano kitaabka quraanka ah, waxaanu ka heleynaa xog culus oo goor hore leynaga siiyay wadnaha. 122 jeer ayaa quraanka lagu sheegey ereyga wadnaha, si aadamiga loo dareensiiyo ahmiyadda ay xubintaasi leedahay. Xusidda lagu sheegay quraanka, waxaa wadnaha u weheliya in isla-markaas loo adeegsaday macnayaal dhowr ah oo kala duwan. Tusaale-dhig, mar waxaa loo adeegsanayaa in uu yahay cadka xabadka inoogu jira, suuradda Al-Xaj aayadda 46-aad.  marna waxaa loo adeegsaday in uu yahay caqliga, suuradda Al-Kahaf aayadda 57-aad. Marna waxaa loo adeegsanayaa ruuxda, suuradda Al-Axsaab aayadda 10-aad., marna waxaa loo adeegsaday ra’yiga, suuradda Al-Xashar aayadda 14-aad..

 Aayadahaas iyo kuwo kale waxay inoo tilmaamayaan in wadnuhu qabto shaqooyin ka duwan midda lagu og-yahay ee dhiig-wareegga ah. Sidaas si lamid ah waxaa sheegaya tijaabooyinka aqooneed ee wadnaha lagu sameeyey. Marka la eego awoodda magneetikada (magnetic field) ee ku hareereysan wadnaha, waxay tahay mid ka xoog wayn 5.000 oo jeer middeeda ku hareereysan xubinta maskaxda. Ogaallada uu wadnaha u gudbinayo maskaxda, 200 oo jeer waxay ka badan yihiin ogaallada uu wadnuhu ka qaadanayo maskaxda. Waxaa halkaas laga dheehanayaa, maadaama wadnuhu uu ka awood badan yahay maskaxda, in uu isagu yahay midka hadlaya ee amarka bixinaya ee la dhegeysanayo. Aragtidaasna waxay hor-joogsaneysaa malihii ahaa in maskaxdu ay tahay xubinta keliya ee hagta jidhka intiisa kale…..

La soco Cadadka danbe…

Dr: Sadiq Enow

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.