WorldRemitAds

Hargeysa,Somaliland, March 12, 2012 (Saxafi) – Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay abaabulayso in qaar ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Badhasaabka Hargeysa ay eedaymo u jeediyaan Badhasaabkii Hargeysa ee xabsiga la dhigay.

Sida ay ilo xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Saxafi qaar ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Badhasaabka ayay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Madaxtooyadu shir kula yeesheen xarunta Madaxtooyada, kuwaas oo sida la sheegay la doonayo in ay shir jaraa’id warbaahinta u qabtaan si ay eedo musuqmaasuq oo cusub ugu jeediyaan  Badhasaabkii Hargeysa oo hore loogu xidhay eedaymo la xidhiidha musuqmaasuq oo aan weli baadhistooda la dhammaystirin.

Lama garanayo sababta keentay in Madaxtooyadu abaabusho hawlo noocan ah. Hase yeeshee sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Badhasaabku ee  Madaxtooyadu la shirtay waxaa ay soo jeedintani keentay inay ku kalla jabaan shaqaaluhu arrintan, isla markaana ay qaar ka mid ahi diideen arrinta loo soo jeediyay ee ah inay Badhasaabkii hore Xamarji ku eedeeyaan inuu ka musuqmaasuqay lacago guno ah.

SomlegalAds

Dhinaca kale, Haween ka tirsan taageerayaasha Kulmiye oo ay ka midtahay Xaaska Badhasaabka sadexdan Sarkaal ka midka ah oo lagu magacaabo Nuura Axmed Budle ayaa si adag u naqdiyay hanaanka loo xidhay Gudoomiyaha hore ee Gobolka Hargeysa, waxaana ay ku doodeen inay jirtay khilaaf u dhexeeyay Wasiirka Madaxtooyadda iyo Xamarje oo keenay arrintan.

Nuura Axmed waxaa ay sheegtay in aanay codsaneyn in la sii daayo Odaygeedda, balse ay sheegayso arrin dhexmaray isaga iyo Wasiirka Madaxtooyadda oo ay sheegtay inay u arragto inuu keenay Qaflada lagu qabtay. “Waxa jirta in Wasiirka Madaxtooyaddu u yeedhay oo uu ku yidhi waxaa jirta Xaalad ka oogan Berbera, taasoo u dhaxaysa Qabiil iyo nin ganacsadde ah. Wuxuu ku yidhi, waxaan kaa doonayaa in aad 40 nin oo SNM ah in aad ka abaabusho Maroodi-Jeex oo meesha la geeyo, Sawirkaana loo ekeysiiyo intakanQabiilka laga dhex saaro inay noqoto Mujaahidiintii SNM oo shaqo-Abuur looga sameynayo.”Ayay tidhi waxaana ay sheegtay inuu taas diiday, balse loo hanjabay markaaba. “Waxaana uu Wasiirku ku yidhi haddaba Qaranka sidaas ugu shaqeyn maysid…maxaa ka danbeeyay saacad ka dib waxaa la musuqay laba gaadhi oo Raashin ah waxaa la sameeyay tan..haddana Madaxweyne ku xigeenkii u diray Raashinka ee yidhi soo rara raashinka oo leh waxaa noo yimi musuq.” Ayay tidhi

Sidoo kale dhowr dumar ah oo ka tirsanaa taageerayaashii KULMIYE ayaa ka hadlay kulankan jaraa’id, waxaana ay dhamaantood ku doodeen in ay jirto eedo badan oo masuuliyiin kala duwan loo jeediyay kuwaas oo aan illaa hadda mid kalli ah oo ka mid ah waxba lagu soo cadeyn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.