WorldRemitAds

Washington, June 11, 2018 (Saxafi) – Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay Sawirka iyo Magaca askari Maraykan ah oo lagu dilay Jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose.

Askariga ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander W. Conrad oo 26 jir ah, waxaa uu ku dhashay Arizone, waxaana uu ka tirsanaa cutubka 1aad, gaar ahaan kooxda 3aad ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran.

SomlegalAds
Alexander W. Conrad oo 26 jir ahaa

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar duqeyn ah oo Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay askariga Maraykanka ah, halka lagu dhaawacay afar kale, sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo Kenya ayaa khasaare ka soo gaadhay weerarkaas.

Maraykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqolaal askari oo ka qeyb qaata howl galada gaarka ah iyo taageerida Ciidamada Dawladda Somalia iyo AMISOM ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guud ahaan marka la eego waa Askarigii Labaad oo Maraykanka lagu dilo Somalia, iyadoo bishii May ee sanadkii hore deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay askari Maraykan ah, sanadkii 1993 ayay aheyd markii 18 askari Maraykan ah lagu dilay Muqdisho, lagana soo riday diyaaraddo Helicopter ah, kaddib dagaal ay la galeen maleeshiyaad Soomaali ah, waxaana dagaalkaas laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.