WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 4, 2018, (Saxafi) – Xubin ka tirsan salaaiinta Gobolka Awdal ayaa ku baaqay inaan gurmaka duufanada gobolka Awdal loo soo marinin gacmo kale, ciddii dhulka belaayadu ka dhacday wax uu yaboohaysaanaa toos ugu dirto odayaasheeda iyo maamulkeedana kala kaashadaan qaybintooda.

Dhinaca kalena suldaankan ayaa u mahad celiyey dalka deriska ah ee Jabuuti isagoo uga mahad celiyey deeqdii raashinka ahayd ee ay soo gaadhsiiyeen demnooyinka Lughaya iyo Saylac.

SomlegalAds

Suldaan Abshir Muxumed Ducaale, ahna suldaanka guud ee beelaha degaanka Lughaya oo shalay  Boorama kula hadlay qaybo ka mid ah saxaafadda ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa ‘;’Waxa meesha ka dhacay wax Ilaahay uuni ogyahay oo awoodaha Ilaahay ka mid ah, dadkan nool waa la arkay uun ninkii arkay uun baa arkay, waxa dhacay dhibaato weyn oo aan inaga dhammanayn hawsheeduna maaha dad meel dhexe wax loo dhigo cidii wax taraysaa ha u geyso. waxa weeye Lughaya,  Garbada, iyo Baki waxay leeyihiin maayarro,  gole iyo odayaal sidaa wax u soo direysaan eed wax u taakuleynaysaan hadii aad u doonaysaan inay wax u hagaagaan meel walba waxaad u direysaan u dira, meel dhexe waxba ha dhigina,  fariini weyl ma koriso, waxaad deegaanadaasi u direysaan u dira. Degmada Baki markay noqoto dadka Soomaaliyeed waxan leehay dadkaasi cidla ayay fadhiyaan wax waab ah ma leh, adhi ma leh, dad meel dhexe ama cid kale wax loogu dhiibo maaha, mana aha in wax looggu dhiibo dad ka soo jeeda meel aan duufaanba ka dhicin, waa la yaqaannaa dhulka wax ka dhaceen ee u baahan in loo gurmado iyo cidda ka qayb qaadan karta”

Hadalka Sulaanka ayaa u muuqda mid u kaga digayo isbarbaryaacii ka dhashay gurmadkii abaaraha ee soo maray degaanadaasi laba sano ka hor, iyo sidii ay u maareeyeen Guddiyadii abaaraha ee loo xilsaaray waagaasi, kuwaasoo haatanna qayb ka ah gurmaka duufaanada ku dhuftay halkaasi .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.