WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, November 19, 2015 (Saxafi) – Wargeyska The Star ee ka soo baxda dalka Kenya oo wareysatay xubno ka tirsanaan jiray Al-shabaab oo kasoo goostay, ayaa ka warbixiyey xaaladda ay ku sugan yihiin kooxdaasi iyo wakhtigii uu ku biiray iyo mid waliba waxa uu ka qaban jiray kooxdaasi.

Dadka ka soo goostay kooxdaasi waxa ka mid ahaa Abubakar oo markiisii ugu horreysay tababar ku qaatay xero ay Al-shabaab ku lahayd degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Abubakar ayaa Somalia u yimid sannadkii 2008-dii inuu noqdo macallin tababarro siiya dagaalyahannada Al-shabaab, laakiinse wuxuu garan waayay markii lagu biiriyay ragii tababarka ku qaadanayay xerada sida loo xidho ama loo sameeyo bambooyinka.

SomlegalAds

Sidoo kale, dagaal-yahankan ayaa ka hadlay waxyaabihii uu la kulmay intii uu ku jiray xeradaas uu tababarka ku qaadanayay, isagoo xusay in la barayay habka loo hoggaamiyo ciidamada, siyaasadda iyo shareecada Islaamka. “Marka ay ciidamadu tababarka dhameystirtaan waxaa la geeyay koontaroollada ay ku baadho Al-shabaab gaadiidka. Howshan waa mid adag oo aan loo ogoleyn cid aan tababar qaadan muddo saddex bilood ah,” ayuu yidhi Abubakar.

Al Shabaab Illustration by Victor Ndula.
Al Shabaab Illustration by Victor Ndula.

Wuxuu sheegay Abubakar in xerada uu tababbarka ku qaadanayay oo Khalid Bin Waliid lagu magacaabo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka; Tanzania, Kenya, Burundi iyo kuwo kasoo jeeda Yurub sida; Faransiska iyo Mareykanka, qaar kale oo Carab ah.

Dhanka kale, Abubakar oo ka baxsaday Al-shabaab ayaa u sheegay wargeyska The Star in mar walba ay ahaayeen kuwo ka feejigan duqeyn ay sameyn kareen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa AMISOM.

Abubakar ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahanada ajanbiga ah ee Al-shabaab ka bar-bar dagaalamayaa ay gaadhayaan 500 illaa 300 oo qof, kuwaas oo qaarkood uu xusay inay dagaallamaan, halka kuwa kalena ay hoggaamiyaan ciidamada dagaallamaya.

Ugu dambeyn, Jumca oo isna ka mid ahaa xoogaggii ka baxsaday Al-shabaab ayaa wareysi uu siiyay The Star wuxuu ku sheegay in markii mucaamil xumi ay kala kulmeen madaxda sare ee Al-shabaab ay xoogaggii Kenyaanka ahaa ee ka tirsanaa kooxdu billaabeen inay baxsadaan, kuwasoo horey u galay inay lacag ka sameeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa waxaa u dagaalama dagaalyahano u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo intooda badan weerarro ka geysta deegaanno ka tirsan dalka Kenya oo ay ku jiraan kuwa xeebta dalkaas ku yaalla.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.