WorldRemitAds

“Isbarbar dhig lagu sameeyey Xujayda Soomaalida ah ee qurbaha ka yimid iyo kuwo wadanka gudihiisa ka taga goobaha ay ku kala nool yihiin”

Madiinna, Sucuudiga, August 19, 2017 (Saxafi) – Xujayda Soomaalidda ah ee ka timid Somaliland iyo Somalia ayaa eedeeyay dadka hoggaamiya oo ay sheegeen in ay ka qaataan lacag badan oo aan dunidda kale meela lagu qaadin, islamarkaana la dajiyo meelaha ugu hooseeya oo aanay u qalmin.

Xujay ka tagtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in lacagta laga qaaddo iyo adeega iyo goobaha la geeyaa aanay isku dhigmin, waxaanay tilmaameen hoteeladda ugu jaban oo aanay nolol wanaagsani ka jirin in la dajiyo, taas oo ay barbar dhigeen xujayda kale oo la dajiyo hoteeladda ugu wanaagsan oo waliba masaajidka Nabiga lagu dhoweeyo.

SomlegalAds
Photofile

Wariye ka tirsan telefishanka Universal oo ka mid ahaa xujayda ka yimid Yurub ayaa isbarbar dhig ku sameeyey xujayda Soomaalida ah ka timid wadanka gudihisa iyo kuwo ka yimid Yurub oo qiimo jaban lagu soo qaado meelo aad u heer sareeyana la geeyo, halka Xujayda wadanka gudihiisa ka timaadda lacag badan iyo adeeg aan u qalmin la iskugu daro. “Haddii aanu nahay xujayda ka soo xajtay Hargeysa waad arkaysaa hoteelka aan ku jirno kulaylka ka jira iyo dhididka naga dhacaya, waayo qof walba waxa laga soo qaaday lacag ku dhow afar kun, halka Jabuuti lagaga soo xajo kun iyo lix boaqol oo doolar, wixii dadka laga qaadayaa dhib ma leh, laakiin waa inay dadku helaan adeeg wanaagsan oo u qalma, tusaale ahaan xaramku wuxuu noo jiraa  shan kilo mitir, halka xujayda Soomaalida ah ee qurbaha ka timaada oo lacag intayada ka yar laga qaado hoteelo raaxo leh iyo masaajidka agtiisa la dajiyo,”ayuu yidhi mid ka mid ah Xujayda reer Hargeysa. “Dhibaatadu way jirta waxaanu ka fognahay xaramkii shariifka ahaa ee Nabi Maxamed (scw), iyo qololka aanu seexano oo aad u kulul oo nolosha bani’aadamka ku adag,”ayuu yidhi mid kale oo ka mid xujayda ka tagtay Hargeysa.


“Qof walba waxa laga soo qaaday lacag ku dhow afar kun, halka Jabuuti laga qaado $1600 doolar..Haddana halka aanu ku jiro waad aragtaa” Mid ka mid ah xujayda reer Hargeysa


Wiil dhalinyar ah oo waday Ayeydii ayaa isna ka sheekeeyey dhibaatadda ka soo gaadhay xajka iyo goobta la dajiyey oo aan lahayn adeeg ku haboon, waxaanu yidhi “Masaajidkii nabigu wuxuu noo jira illaa shan boqol oo talaabo oo ku dhow hal killo mitir, anigu waan socon karaa iyo dadka dhalinayrada ahi laakiin ayeyday oo kale waxay ku qaadanaysaa wakhti dheer intay sii soconayso iyo intay soo soconayso, markii aanu ka iminaynay Hargeysa waxay nagu yidhaahdeen anagaa adeegiina oo dhan diyaarinayna, laakiin maanu arag adeega ay noo qabanayeen qofku isaga uun baa la silcaya qofkii uu waday ee weyna ilaa masaajida Nabiga oo naga fog kolna la lugaynaya kolna ka soo kaxaynaya waana silic iyo dhibaato badan oo na haysata”

Dhinaca qurbo jooga Soomaaldia ah ee xajka timid ayaa iyagu amaanay sida loo qaabilay iyo adeega wacan ee loo fidiyey, waxaanay sheegeen inay u mahad celinayaam dadkii soo kaxeeyey, waxaanu yidhi“Anagu waxaanu deganahay masaajidkii Nabiga agtiisa, salaad walba oo ka mida ah waxaanu ku tukanaa masaajidka, hoteelada aan ku jirnaa waa kuwo raaxo leh.”


“Ma jiro dad kale oo wadan kale ka yimid oo noloshaasi oo kale ku nooli, xiitaa dadka aduunka ugu fiqiirsan kuma jiraaan halka la geeyo dadka Soomaalida ah ee xujayda ah”wadaad qurbo joog ah oo yaabay”


“Anaga qoladii naga soo qaaday Birmaham (Ingiriiska) waxay ahaayeen qolo aad u wanaagsan oo illaa magaalooyinkii aanu ku soo nasanay  illaa Maka iyo Madiinaba meelaha ugu wanaagsan nagu dajinayey, imika hoteel aad u wanaagsan ayey na dajiyeen, ilaahay khayr ha siiyo oo masaajidkana u jira saddex daqiiqo oo salaad walba aanu tagno,”ayuu yidhi nin ka mid ah xujayda ka yimid Qurbaha.

Sheekh Maxamed Haybe oo oo ka mid ah xujayda Soomaaldia ee sanadkan soo xajay ayaa walaac xoogan ka muujiyey Soomaalida xujayda ah ee ka timid wadanka gudihiisa iyo nolosha adag ee adeeg la’aanta ah ee ay ku nool yihiin marka ay Xajka gudanayaan, waxaanu talooyin siiyey dadka xujayda soo kaxeeya ee lacagta badan ka qaadaya waxaanu yidhi “Waar dadka dadkaasi wado aakhrina ha ku gubanina, aduunyada ha ku ceeboobina, ilaahayna xaaraan ha ka shaqaysanina, oo u tudha oo u naxa oo hadii aydaan caawin Karin faraha ka qaada, waa wax laga naxo oo calool xunuun leh oo calool xumo ah oo laga ilmeeyo oo aragax leh ayaad dadkaasi ku soo arkaysaa xujayda ah ee wadanka gudihiisa ka timid, ma jiro dad kale oo wadan kale ka yimid oo noloshaasi oo kale ku nooli, xiitaa dadka aduunka ugu fiqiirsan kuma jiraan halka la geeyo dadka Soomaalida ah ee xujayda ah”.

Dadka xujayda Soomaalida ah ayaa laga qaadaa lacag faro badan oo ku dhow afar kun oo dollar, halka wadamadda jaaarka ah sida Itoobiya iyo Jabuuti qofka xajka tagaya ay kaga baxdo uun kun iyo lix boqol oo doolar, waxaana Soomaalida u sii dheer goobaha ugu qiimaha hooseeya oo la dajiyo iyo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wakhtiyada ay cibaadaysanayaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.