WorldRemitAds

By Cabdillaahi Cali Xassan (John)

Xaragadda dowladnimo xin iyo xaasid maha, ciqaab iyo aargoosi maha ee waa xulasho iyo xoojin xubnaha hadba suuragelin kara hadafka iyo ujeedooyinkii Xisbigii Kulmiye ee tobanka sanno dagaalka iyo dirirta afka iyo aduunkaba ah ugu jirey siddii uu u gaadhilahaa hogaanka Jamahuuriyadda Somaliland iyo kursiga looga arimiyo dalka iyo dadka.  Hadba wey qumantahay in la amaano oo la dhiirigeliyo waxa wanaagsan ama quruxda badan, isla markaasina lagu wadda caafimaadka qabo ee shacabka reer Somaliland ay isku waafaqsanyahiin dhamaantood habsami u socodkeedda iyo rajadda soo muuqata ee waxqabad iyo masuuliyadeed, taasi oo aan ahayn wax aan la dafiri karin ama sacabadda lagu qarin Karin maranba. Laakiin waxay u egtahay qabyo tirid la,aan hawlo badan oo ummadda reerSomalilandtebayaan in ilaa iyo maanta  dhinaceedda aan loo kicin.

Xukumaddu waa shacabka reer Somaliland guud ahaan, haddii la kala xigsadana waa Xisbigii Kulmiye iyo Golahii uu ka soo farda fuulay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane/Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waana shacabkii sideedda sanadood maal, muruq iyo maskax la garaba taagnaa ee garbaha u hayey siddii ay kursiga ugu hubsan lahaayeen maruun, madaxweynaha maanta, arintaasi iyo hayaankeedda oo dad badani ku naf waayeen, qaar ku caydhoobeen, qaarna ku naafoobeen, qaarna xadhig iyo ciqaab ay ku mutaysteen, keliyaata siddii dalka looga samatabixin lahaa maamul xumadda, musuq iyo nidaamkii wakhtigaasi loo arkaayey inuu ahaa mid lidi ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo geedi socodka hawlaha dalka iyo dadka, laakiin dadka qaar badani uu aaminsanyahay in UDUB aan dowladi ka danbeyn, Kulmiyana Xisbi ka danbeyn.  Markaa waxaa loo baahanyahay in canaanta iyo khaladaadka dhacay in meelo khaladda loola kaco oo aan laysku jeedalin sifo khaldan.

SomlegalAds

Hadaba Xukumadda Axmed Siilaanyo waxay si khaldan isaga tuurtay labaddii indhood ee ay wax ku arkeysey mid ka midda, kadib markii Eng Maxamed Xaashi Cilmi si aan laga fiirsan oo cilmi weyn ku fadhiyin loo eryey.  Maxamed Xaashi Cilmi waa muwaadin reer Somalilandna oo wasaaradda ama hawlaha loo igmado ka qabta wax la taaban karo, waana nin markasta hadalkiisu cadyahay oo wadda xaajood iyo xeer jajab aan ka gelin hawlaha Qaranka iyo siddii dariiqa loo baahanyahay loogu hagaajin lahaa.

Arintu sikasta ha ahaatee, waxaa jirey cabasho iyo isla jaanqaadid la aan ku timid Xukumadda Axmed Siilaanyo dhexdeedda, taasi oo ka dhalatay qaybaha wasiiradda iyo hawl-wadeenadda Qaranka oo isla garan waayey heerka iyo hanaanka loo maraayo hawlaha Qaranka iyo fulintoodda, taasi oo ay keentay arimo dhowra oo ay ka mid tahay aqoon la,aan, dhalinyaranimo iyo arimo kale oo aad isu biirsaday, arintaasi oo cabashadeeddu banaanka u soo baxday, isla markaasina dhowr jeer saxaafadda Somaliland ku soo dhex tuurtay qoraalo iyo faalooyin ku saabsan iscasilaadda Maxamed Xaashi Cilmi oo ka dhalatay arimaha aan korka ku soo xusay.

Arintaasi oo keentay in mansab iyo muruq laysu adeegsado oo meesha lagaga tuuro haldoorkii iyo xubnahii Xukumadda ugu tamarta, tudh-tudha iyo taakulaynta badnaa ee uu ka midka yahay Ina Xaashi Cilmi.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa musuq iyo maamul xumo weyn oo wasiiradda Xukumadda Axmed Siilaanyo ay ku kaceen oo shacabku maalmahan u danbeeyey ay isla dhex marayeen, taasi oo loo baahanyahay in si toosa wax looga qabto.  Gudoomiyaha Gobolka maroodi jeex Mudane Axmed Xamarji iyo xubnaha la xidhan ummaddu aad ayey uga xuntahay sifaha loo maray xadhigoodda oo ahaa mid jujuub iyo daba ka riixisi ku jirto.  Xadhiga ragga ayaa loo sameeyey, laakiin maha habkani habkii loo xidhi lahaa nimankan, xataa haddii ay denbi galeen oo uu ku cadyahay.

Axmed Xamarji iyo inta ka agdhow ee qaylinaysaa waa raggii Xisbiga Kulmiye dagaalka culus la galay siddii uu ugu guulaysan lahaa taladda dalka, isla markaasina waa raggii doorka weyn ka ciyaaray codadkii ka soo baxay Gobolka Maroodi-jeex.

Markaa waxaa loo baahanyahay in Nimankaasi dhamaan loo soo celiyo xoriyadoodda oo haddii ay debi Qaranka ka galeen, loo maro xadhigoodda sifa sharciga waafaqsan oo xalaala. Waxaan dhinaca kale ugu baaqayaa in xaaladda la dejiyo oo arimahu meelo ayna gaadhin la gaadhsiin, Axmed Xamarji waa la soo deynayaa oo Xukumaddu musuq haddii ay la dagaalamayso dad uu ku cadyahay ayaa jira oo Guryo London iyo magaalooyinka kale ka baayacaayey ayaa jira ee hala soo qab qabto oo sharciga hala horkeeno.

Dhinaca kale waxaa jira xisbul xaakiim la yiraahdo Kulmiye party oo ah Xisbigii suurageliyey in Axmed Siilaanyo noqdo hogaamiyaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa jira khaladaad iyo gef Xisbiga iyo jiritaankiisa laga galay oo marnaba aan layska cafiyi doonin. Waxaa jira rag Ururo Siysaadeed samaystay, iyadoo wax ku kaliifayaa aanu jirin, isla markaasina Xisbigii Kulmiye iyo waddajirkiisii mugdi iyo madmadow geliyey.  Ragga Urur Siyaasadeedka samaystay, iyadoo wax ku kaliifayaa aanay jirin, Ururo Siyaasadeed oo kale oo nala daba waddo ayaa jira Kulmiye ahaan.  Markaa waxaa loo baahanyahay in arimahaasi oo dhan wax laga qabto oo ummadda laga ilaaliyo faraqa iyo tafaraaruqa.

Waxaa loo baahanyahay in markasta hawlaha Qaranka loo maro hab-qaangaadho oo ummadu ay ku wadda calool santahay, si loo gaadho ama looga midho dhaliyo hadafka iyo hayaanka aan ku nahay bartilmaameedka inoo astaysan.  Waxaan u arkaa eriga Eng Maxamed Xaashi Cilmi inuu la xidhiidho xanshaashuq, xan iyo af isisaar-saar dhinacyo khaasa,  si wasaaradahu u helaan miisaaniyad ka badan midda iminka ay helaan, isla markaasina ayna u soo celin xisaab xidhanka iminka laga sugaayey, isla amrkaasina lacagta Dekedda Berbera iyo kastamadda dalka loo musuqo, si Ururadda Siyaasadda looga quudiyo  iyo doorashooyinka deegaanka.  Dhamaan arimahani waa qaar si toosa ugu lug leh eriga Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo nin weliba ogyahay in ummaddu u baahantahay adeegiisa, waxaana aad looga walaacsanyahay in musuqii halkiisii iyo meel ka sii xoog badanba inuu ku laaban doono oo xaalku noqon doono afar jeebloow lagu fasax iyo sibiil ninkii saliilyoonayow.

Cabdilahi Cali Xassan John

Liverpool

UK

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.